1: Sunday, July 7, 2013 - 08:22:25
2: 203 Jeer.

Galatasaray, Fenerbahce iyo PSG isku heysta saxiixa Bacary Sagna kadib markii …

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

sagna
30-jirka daafaca garabka midig kaga cayaaro kooxda Arsenal Bacary Sagna ayaa haatan bartilmaameed u noqday kooxaha kala ah Galatasaray, Fenerbahce iyo Paris St Germain madaama xidigan wada hadalkii u socday isaga iyo kooxdisa Arsenal uu bur bur ku dhamaaday sidaa darteed xagaagan ayay Gunners-ka iska iibin doontaa madaama qandaraaskiisa uu kaga haray 12-bilood oo qura.

Wakiilkiisa Mr. Laurent Gutsmuth ayaa ka hadlay mustaqbalka xidigan wuxuuna yiri “Bacary weli qandaraaska uu Arsenal kula jiro waxa uga harsan mudo sanad ah balse ma arko in loo kordhin doono sidaa darteed waxaan diyaar u nahay inaan dhageesano dalabyada aan ka heleyno kooxaha ka dhisan dalalka Turkiga iyo France”

Daafaca waaya araga ah mustaqbalkiisa cayaareed shaki weyn ayaa soo galay dhamaadkii xili cayaareedkii hore madaama uu si rasmi ah wargesyada dalka England ugu sheegay inuusan ku faraxsaneen siyaasada kooxda Arsenal lagu maamulo madaama ay kooxdan lumisay Robin Van Persie 12-bilood ka hor dhaliishii uu soo jeediyay waxaa si wadajir ah uga caroodeen macalin Arsene Wenger iyo maamulka kooxdan sidaa darteed kalsooni buuxdo kama heesto macalinkiisa waxayna danta ku qasbi doontaa inuu kala doorto dalabyada ay usoo bandhigeen naadiyada Galatasaray, Fenerbahce iyo Paris St Germain waxaana sanadka u haran lagu jebin karaa wax ka yar 7-milyan oo pound.

Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed