2: 614 Jeer.
Gacan ku-dhiiglayaashii Xagjirka ahaa ee Toogtay Nafiso Cismaan Salaad oo Dil lagu xakumay
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Maxkamadda darajada koowaad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil iyo mid xabsi ah ku fulisay seddex ruux oo midi haweeney tahay, kuwaasi oo ku eedeysnaa dilka gabadh ardayad ah oo Muqdisho lagu dilay.
Maxamed Cabdi Casiis Shaafici iyo Xasan Salmaan oo Maxkamada ku eedeysay inay ka danbeeyeen dilka Gabar lagu magacaabi jiray Nafiso ayaa maanta oo taariikhda ku beegan tahay 31-5-2014-ka waxaa lagu xukumay dil toogasho ah halka Haweeney la sheegay inay geed fadhi u ahayd ragaan iyadana lagu xukumay xabsi gaaraya 10-sano.
Dhalinyaradaan xukunka uu ku dhacay ayaa horay warbaahinta ugu sheegay inay ku lug lahaayeen dilka Gabadh ardayad ahayd,iyagana si bareer ah gacantooda ugu dilay,waxaana iyadoo sidaasi ay jirto Shacabka Soomaaliyeed iyo Ehalka Gabadha ay ka codsadeen in la cafiyo.
Ehalka Nafiso iyo wasiirkii amniga oo ka hadlay dhacdadaan ayaa waxay dalbadeen in si xanuunka loo dareensiiyo dhalinyaradaan sida Nafiso u dareentay iyagana la toogto.
Nafiso Cismaan Salaad waxay ahayd Ardayad dhawaan ka qalin jabisay kuliyadda Kalkaalisonimadda ee Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO,waxayna dhalinyarada ku hor kaxeysteen waalidkeeda ka dibna toogtay dhacdadan ayaa dhacday taariikhdu markeey ahayd 6-4-2014.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨