2: 187 Jeer.
Franz Beckenbauer “Gomez wuxuu qaatay go’aan sax ah madaama…
Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri
Gudoomiye sharafeedka kooxda Bayern Munich Franz Beckenbauer ayaa ka hadlay go’aankii uu Mario Gomez kooxda Fiorentina ku duurtay wuxuuna masuulkan ku tilmaamay tilaabadii uu Super Mario ku aadey Serie A-da dalka Talyaaniga inuu ahaa mid sax ah.
27-jirkan kooxda Bayern ayuu isaga tagay madaama uu boos rasmi ah ka waayay waxaana 16-milyan oo euro ah ku qaadatay Fiorentina asigoo qalinka ku duugay heshiis 4-sano ah sidaa darteed Beckenbauer ayaa arintaan soo dhaweeyay.
“runtii waxaan aamin sanahay inuu Gomez go’aankii saxdaa uu qaatay madaama uu Fiorentina ku biiray, waan kaga mahad celinaa inuu Bayern Munich mudadii 4-sano ahayd uu wax weyn u qabtay balse xaq ayuu u leeyahay inuu ku biiro naadi boos rasmi ah diyaar ula ah madaama muhiimada ay tahay inaad marwalbo garoonka gashid”
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨