FIFA oo shaacisay magacyada garsoorayaasha dhex dhexdhaxaadinaya kulamada furitaanka koobka Adduunka

Posted on Jun 11 2014 - 11:24am by Mohamed Qadar Ibraahim Dahir
1

 

cala

Garsooraha reer Japan Yuichi Nishimura ayaa noqday shaqsigii nasiibka badnaa ee dhex dhaxaadiyay kulanka furintaanka koobka Adduunka ee dhexmaraya Brazil iyo Croatia Khamiista.

Fifa ayaa shaacisay magacyada kulamada furitaanka garsoorayaasha dhex dhexaadinaya iyadoo Nicola Rizzoli oo ah garsoore Italian ah uu dhex dhexaadin doono kulanka Guruub B ee dalalka Spain iyo Holland.

42 jirkan Nishimura oo ciyaarta koowaad dhexdhexaadinaya ayaa horay usoo garsooray afar kulan oo koobka Adduunka,waxaana lagu xusuustaa iney garsooray kulankii wareega Sideed dhamaadka ee Brazil iyo Holland oo Brazil 2-1 lagu reebay waliba waxaa uu kaar roose u taagay Felipe Melo .

FIFA ayaa u diyaarisay tartanka 25 garsoore laakiin shank amid ah ayaa ka soo hara garsoorayaashii dhex dhexaadinayay koobkii Adduunkii 2010-kii waxaana ay kala yihiin Ravshan Irmatov oo u dhashay Uzbekistan, Joel Aguilar oo El Salvador ah, Peter O’Leary New Zealand iyo Howard Webb oo England ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author