1: Saturday, June 1, 2013 - 09:14:41
2: 1,110 Jeer.

Fernando Torres iyo xaaskiisa oo ku qoraxeysana Ibiza

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

torele-2333355-1A1112B2000005DC-229_634x429
Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Spain Fernando Torres ayaa is dhigay qoraxda jaziirada caanka ah ee Ibiza.

29 jirka wadanka Spain oo ay wehliyaan xaaskiisa Olalla, iyo labadiisa cunug ee Nora iyo Leo ayaa sheegay in uu ku jiro waqtigi nasashada uusana ka fakareyn mustaqbalkiisa.

“Waa xiligii nashada halkani waa Ibiza ee ma,ahan London kama hadlaaayo waxa dhici doona xagaga dambe ,waxaa muhiim ah in aan raaxeysano dhamaanteen ayuu Torres usheegay wariye ka tirsan jariirada AS oo wax ka weydiiyay mustaqbalkiisa isagoo ku jira damaashad

“Chelsea ayaan ka tirsanahay iyada ayaana weydiin karta waxaa ay iga damacsan tahay ayuu hadalkiisa ku daray Torres.

Ibiza waa jaziirad ku taala bada Mediterranean-ka waxaana ay qiyaastii 79 km ujirtaa magaalada Valencia ee wadanka Spain.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed