2: 97 Jeer.
Fernandinho oo doonaya in uu ku biiro Manchester City
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Ciyaaryahanka kooxda Shakhtar Donetsk qadka dhexe ugu ciyaara ee Fernandinho ayaa qiray sida uu u doonayo ku biirista kooxda Manchester City, ciyaaryahankan ayaa sheegay u jeedada uu kooxdaan ugu soo biiraayo in ay tahay in sanadka dambe uu ka qeyb galo koobka aduunka ee lagu qabanayo daka Brazil .
Xidigaan u dhashay dalka Brazil ayaa waxa uu bilihii ugu dambeeyay bartilmaameed u ahaa kooxda ku ciyaarta garoonka Etihad .
28-jirkaan ayaa cadeeyay doonistiis in uu mar uun ka ciyaaro horyaalka Premier League taasoo u fududeyn karto ka mid noqoshada xulka Brazil marka la ciyaarayo koobka aduunka sanadka 2014 .
kooxda Shakhtar macalinkooda Mircea Lucescu ayaa dhawaan sheegay in ciyaaryahankiisa Fernandinho uu ku wanagsan yahay in uu ka mid noqdo ciyaryahanada kooxda City.
Waxaa Qoray: Yuusuf Samaan Shiikh :-Youman
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨