Fashil Siyaasadeed kii ugu xumaa oo wajahay Eng. Faisal Cali Waraabe.

¨
Posted on Jul 20 2013 - 4:25pm by Qadro Xusein
0

hghgjhj

Illo-Xog ogaal ka tirsan Maamulka Somaliland, ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Faisal Cali Waraabe wajahay Fashil dhanka Siyaasadda ah.

Illo-Xog ogaalka ayaa shabakadda u xaqiijiyay in Faisal Cali Waraabe uu bilaabay Siyaasado qarsoon oo uu la sameeyay Xukuumadda Somalia, kadib markii Siyaasiyiin ka tirsan Maamulka ay xaqiijiyeen inuu Xukuumadda Somalia la sameeyay xiriiro hoose balse uu iminka sugaayo Jawaab.

Sidoo kale, Faisal Cali, ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan laga tuuro Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay ee UCID, kadib markii la sheegay inuu lumiyay Taageeridii uu Xusbiga ku dhex lahaa gayiga Somaliland, iyadoona la dooran doono Guddoomiye u dhaba gala Siyaasadda dhabta ah.

Maamulka Somaliland ayaa helay Warqado cadeymo u ah in Eng. Faisal Cali Waraabe xiriiro la sameeyay Xukuumadda isla markaana uu iminka rajo ka sugaayo Xukuumadda taasoo sabab u noqotay inuu si sahlan u guda galo wareejinta Xilka uu Xisbiga u haayo.

Eng. Faisal ayaa 63% Taageerayaasha Xisbiga lumiyay kadib markii uu Warbaahinta u adeegsaday Siyaasadaha Xisbiga taasoo meesha ka saartay awooda uu Xisbiga ku dhex leeyahay dhanka Somaliland.

Faisal ayaa waxaa iminka lagu helay Cadeymo badan oo muujinaayo inuu doonaayo in Colaado beeleedyo ka dhex dhaliyo Beelaha Somaliland ka gadaal markii ay Maamulka kala qaaten Xushmadihii kala dhexeeyay.

Ma aha mid la saadaalin karo sida uu wax u wado Faisal Cali Waraabe iyadoona la sheegay inuu caqabado ku yahay waxbadan oo u qabsoomi lahaa Maamulka Axmed Siilaanyo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author
Author Image