1: Thursday, July 11, 2013 - 10:45:13
2: 1,194 Jeer.

FASHIL:- Col. Warfaa Sheikh Aadan oo soo bandhigay Sir badan uu ka haayay Axmed Madoobe iyo Kenya.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jjjj,,

Col. Warfaa Sheikh Aadan oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda Somalia ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa eedeyn kulul dusha kaga tuuray ciidamada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo.

Waa uu sheegay in ciidankii qaranka Somalia ay iminka banaanka ka joogaan Magaaladoodii “Kismaayo”, sababtuna ay tahay ciidamada Kenya oo uu sheegay inay gumeysi ku hayaan Kismaayo.

Waxa uu sidoo kale wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalkii Axmed Madoobe ee ahaa in Barre Hiiraale uu ku biiray Al-Shabaab, taasoo uu ku tilmaamay haddal shaqsi la garaafeeyay.

“Meesha Col. Barre Hiiraale Al-Shabaab ku noqday oo uusan Axmed Madoobe Al-Shabaab ku aheyn bal idinka fasira . ” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay  ciidamada Dowladda oo mushaharaad loo qeybiyey iyo abaabul ay wadaan, isagoona sheegay in Weerarada iyo Abaabulka ay wadaan cidna uga hebeysan doonin.

Col. Warfaa Sheikh Aadan, ayaa waxa uu Fashilay Arrimo badan oo ay kamid yihiin in Kismaayo ay ka taliso Kenya, isla markaana ay Dowladda Kenya bixiso Mushaarka Ciiddamadda Raaskambooni iyo Madaxdooda, halka uu sidoo kale, ka sheegay in Kenya ay Sarkaal ka tirsan Ciiddamadooda usoo dhiibtay Liiska Golaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe.

Col. Warfaa Sheikh Aadan, waxa uu sidoo kale, sheegay in 50-kii Askari ee Raaskambooni ay Dowladda Kenya ku dhex dartay 10-Askari oo Keenyati ah gaar ahaan kuwa Soomaalida taasoo uu Col. Warfaa ku sheegay in lagu koontoroolaayo dhaqdhaqaaqa Ciiddamadda Axmed Madoobe taasoo ah Cadeyn iyo Ceyb uu Axmed Madoobe usoo hooyiyay Somalia.

Col. Warfaa waxa uu dhanka kale, Tilmaamay in dhaqaalaha ka soo baxa Garoonka iyo badda ay qaadato Dowladda Kenya taasoo uu Warfaa ku sheegay in Axmed Madoobe uu soo dhabeeyay, isla markaana tahay Arrinta kaliya ee gubeysa Dowladda Somalia.

Ugu dambeyntii, Col. Warfaa Sheikh Aadan, ayaa waxa uu sheegay in Ciiddamadda iyo Dowladda Kenya ay ka taliyaan Dalkooda balse KIsmaayo ay ka taliso Dowladda Somalia.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed