2: 486 Jeer.
Fannaanad caan ah oo sheegtay inay tahay Fannaanada ugu quruxda badan dunida.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Fanaaanada Nili Maqdasi ee reer Lubnan ah oo u warrameysay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in haweeneydu ay ku kalsoonaato Nafsadeeda si ay isugu aragto inaaney jirin cid iyada la mid ah ayna ka duwantahay dumarka kale.
Nili ayaa sheegtay in ay aad u Jeceshahay Fanaanada lagu Magacaabo Nansi Cajram taas oo ay sheegtay in ay aad u wanaagsantahay ayna kaftan badantahay balse Hobollada kale ee Alisa ayey sheegtay in labo jeer ay kulmeen ayna Jecleysan ficilladeeda sida ay hadalka u dhigtay.
Iyadoo ka hadleysa labiska Fanaaniinta ayaa waxa ay sheegtay in dhammaan gabdhaha ay u muuqdaan in qaadanayaan dharka jirkooda soo muujinaya ee soo jiita indhaha ragga islamarkaana aysan kali ku ahayn Hayeeshee ay iyada si aad ah tan iyo yaraanteeda u daneyn jirtay labiska iyo is qurxinta.
Ugu dambeyn Hobolladaan Niili Maqdasi oo ka hadleysay quruxdeeda ayaa ku baaqday inaan la’ iska indho tirikarin qaab-dhismeedkeeda, labiskeeda, codeeda iyo muuqaalkeeda guud, taasoo ay sheegtay inaan cid lala simaa aanay jirin.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨