Waxaa la aqristay: 34 Jeer.
Falanqeynta kulanka Derbiga Serie A ee Inter iyo Lazio
Waxaa Qoray: Mohamed Jowhar

Inter Milan ayaa dooneysa Iney ka soo kabato guuldaradii ugu horeysay oo Milan ka soo gaartay mudo kadib toddobaadkii hore iyadoo kabtanka kooxdan Javier Zanetti uu safanaya kulankiisii ugu dambeeyay ee garoonka Giuseppe Meazza ka hor inta uusan ka fariisin kubada cagta xili ciyaareedkan.
Kulanka: Inter vs Lazio
Garoonka: Stadio Giuseppe Meazza — Milano
Garsooraha: D. Massa
Saacada:9:45 habeenimo geeska Africa
Maalinta:Sabti
Taariiqda:10/5/2014
Inter waxaa hal kulan ganaax ugu maqnaanaya Esteban Cambiasso halka ay ka dhaawacan yihiin Juan Jesus iyo McDonald Mariga .
Lazio waxaa ka ganaaxan Senad Lulic halka ay dhaawac ugu maqnaanayaan Postiga , Emiliano Alfaro iyo Ederson.
Xaqiiqoooyinka Ciyaarta.
Lazio ayaa guul gaartay afartii ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay Serie A la ciyaartay Inter Milan.
Inter Milan ayaa dhalineysay goolal badan qeybta hore ee ciyaarta afartii is arag ee ugu dambeeyay ee iyaga iyo Lazio dhexmaray.
Inter Milan ayaa bar baro la gashay 51 jeer kooxda Lazio,waa in ka badan kooxaha kale inta ay bar baraha la galeen.
Laakiin kooxahan ayaan wax bar baro galin mid kasta oo kamid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen Serie A.
Inter ayaa ku guuldareysatay iney gool dhaliso labo kulan oo xiriir ah Serie A,markii ugu dambeysay oo ay gool la’aan ay ahaato seddex kulan oo xiriir ah waxaa ay aheyd bishii February 2012.
Nerazzurri ayaan badin afartii ciyaar ee ugu dambeeyay garoonkeeda horyaalka,mar waa laga badiyay seddexsana bar baro.
Lazio ayaa dhalineysay labo gool iyo ka badan mid kasta oo kamid ah lixdii ciyaar ee ugu dambeeyay Serie A.
Ha ahaado Garoonkeeda ama mid kale kooxda the Biancocelesti lagu naaneeso midna bar baro ma aysan gelinm siddeedii ciyaar ee ugu dambeeyay,shan waa ay badisay seddexna waa laga badiyay.
Inter ayaa goolka looga hormarayay seddexdii ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay Lazio kula ciyaarto garoonkeeda.
Rodrigo Palacio ayaa dhaliyay afar gool toddobadii kulan ee ugu dambeeyay Serie A uu ku wajahay Lazio,dhamaan goolashaas ayuu ka dhaliyay isagoo ka tirsan Genoa.
Antonio Candreva ayaa dhaliyay goolal ka badan inta ay dhaliyeen xiddigaha qadka dhexe ee Serie A xagaagan waa 12 gool 35 safasho ah.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨