1: Thursday, June 20, 2013 - 17:16:01
2: 513 Jeer.

FADEEXO:- Madaxweyne Obama oo Laptobkii Khudbada ka aqrinaayay mar qura cilad uga damay iyo isaga oo shacbiyad badan halkaasi ku waayay.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

BJSDUWEUWYEUQWH JSYEUS

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama oo maalinimadii shalay Arbacada ahayd  Khudbad kasoo jeediyey Fagaaraha Magaaladda Berlin, ayaa waxa uu Madaxweyne Barack mar qura lumiyay Shacbiyadii uu lahaa iyadoona Khudbadiisu ay aheyd mid ka duwaneyd Khudbadihii looga bartay inuu ka jeediyo isla goobtaasi ka jeediyey sanado kahor.

Madaxweyne Barack Obama, ayaa waxa uu ahaa Shaqsi aad u shacbiyad badnaa iyadoona Xiliyadda Khudbooyinkiisa ay soo xaadiri jireen Kumanaan qof, waxaana lagu yaqiinay inuu si caadi ah uga hor Khudbeeyo Shacbiga balse Khudbadii uu Maalinimadii Arbacada ka jeediyay Fagaaraha Magaaladda Berlin waxa uu lasoo baxay dabeecad cusub.

Waxa uu Xiliga Khudbadiisu jeedinaayay istaagan Muraayad aan xabada Karin gadaasheeda waxa uuna Khudbadiisu diirada ku saaray Ammaanka, Hayeeshee nasiib daro Awgeed waxaa mar qura damay Laptobkii uu ka aqrinaayay Khudbadda, isagoona lumiyay diiradda Khudbadiisu waxa uuna galay marxalad kale.

Waxa uu ka baxay Mowduuca uu Khudbadiisu uga hadlaayay sababo la xiriiray Ciladii ku imaaday Laptobkii Khudbada uu kusoo diyaariyay, waxa uuna ku khasbanaaday inuu khudbada madaxiisa ka akhriyo waxaana mararka qaarkood laga dareemayey khudbadiisa hakadka soo galayey.

Dad badan ayaa sheegaya inuu Obama uu dhumiyey taageeradii uu ku lahaa Germany iyo Europe kadib markii uu horey usii waday Siyaasidihii uu ka tagay Madaxweynihii ka horeeyey George W Bush oo ay ku jiraan dagaalka uu Maraykanka ugu yeero la dagaalanka argagaxisada iyo adeegsiga diyaaradaha wax gumaada iyo waliba hawlaha xog barista ah oo ay sirdoonka Maraykanka ka wadaan caalamka oo dhan.

Ugu dambeyntii, Obama waxaa lagu Tilmaama inuu yahay Madaxweynaha ugu shactarada badan Caalamka, iyadoona Maalinimadii Arbacada lasoo dhaafay uu galay Khaladaad badan lagana dareemaayay Wajigiisa balse dadka qaar aysan aheyn kuwa fahmaayay qaladaadka una qaatay Kaftan iyo magadaalo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed