1: Sunday, May 26, 2013 - 18:42:02
2: 1,015 Jeer.

Addis Ababa iyo Fadeexaddii Wariyeyaashii dhabarka laga taabtay !!

Waxaa Qoray: jabra

New folder3

Warbaahinta oo ka mid ah qalabyada ugu casrisan ee aadamigu uu ku wada xiriiro, waxay soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay dugsi ay ileyska aqoonta ka qaataan inta ku taxan ee isugu jira dhageystayaasha, akhristayaasha iyo daawadayaasha, kuwaasi oo xiriir la leh qeybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay warbaahinta.

Howlwadeenno isugu jira Weriyeyaal, Farsamayaqaano iyo qeybo kale ayaa ka howlgala laamaha ay u qeybsanto warbaahinta, waxayna suxufiyiintaasi had iyo goor ka tarjumaan rabitaanka iyo ra’yiga guud ee ummaddu leedahay, waxayna adeegayaashaasi Saxaafadeed u baahan yihiin tababarro wakhti walba ah si aqoontooda kor loogu qaado iyo horumarinta qalabyada ay ku shaqeeyaan.

Soomaaliya oo door weyn ku leh Warbaahinta madaxa bannaan ee caalamka ka jirta, waxay leedahay Saxafiyiin kala heer heer ah, waxayna dhammaantood xilligaan aynu joogno ka qeyla dhaaminayaan dhibaatooyinka lagu hayo inta ku mideysan magaca Suxufinimo, waxaana wakhtiyadii la soo dhaafay bahdaasi lagula kacay falal isugu jiray dil, dhac, xarig, afduub,handadaad, qalabka oo lagala wareego ama laga burburiyo iyo tacadi kasta oo dhan ka ah bani’aadaminimada.

Iyadoo ay weli taagan yihiin gabood fallada lagula kacayo wiilasha iyo Gabdhaha ku mataaneysan qabashada howsha Saxaafadda ayaa dhowaan urur goboleedka IGAD oo kaashanaya Hay’ado caalami ah sida IFJ, EAJA, EU, AU iyo ururro kale waxa uu soo qabanqaabiyay kulan weyne looga hadlayay dhibaatooyinka loo geysto Saxafiyiinta iyo sida ugu haboon ee Warfidiyeenka loo badbaadin karo, waxaana kulankaasi oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka soo qeyb galay Warfidiyeenno la sheegay inay matalayeen qeybaha kala duwan ee saxaafadda ku hadasha afka soomaaliga.

Nasiib darro shirkaasi Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Suxufiyiin dhabarka laga taabtay, odayaal dhaqameedyo, Karraaniyaal ka tirsan xafiisyada Dowladda, shaqsiyaad ka mid ah ururrada dhallinyarada G/Banaadir iyo kuwo kale, waxaana qaladka intaasi la’eg si xishood darro ah ugu dhiiraday Xoghayihii guud ee hore ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan, waxaana ayaan darro ah in Ma-naxe Cumar Faaruuq uu si ula kac ah uga tegay Joornaaliistayaashii mudnaa inay kulankaasi ka qeyb qaataan iyo kuwii lagu dhibaateeyay mihnadda Saxaafadeed ee Soomaaliya.

Xaq waa tii la yiri “Feeruhuu ka dillaacaa” sidaasi daraadeed qabanqaabiyeyaashii shir goboleedka IGAD ee heerka Saxaafadeed waxay dalbadeen in la keeno raggii iyo gabdhihii wax ku noqday Saxaafadda Soomaaliya, ha yeeshee waa la waayay, taasi oo fadeexad iyo weji gabax ku noqotay Ma-Xishoode Cumar Faaruuq iyo dadkii uu dhabar ka taabshada ku waday.
Wajiga Suxufiyiinta uu madasha geeyay ayaa ahaa, kuwo qaarkood qurbaha ah istareex ku joogay, oo qaxooti ku ahaa, qaar ay isku heyb yihiin, iyo suxufiyiin aqoontooda yar tahay ee idaacadaha Muqdisho ka shaqeeyo, dad kale oo magac saxaafadeed lagu waday.

Laakiin waxaa xusid mudan in Suxufiyiintii ka kala yimid deegaanada Somaliland iyo Puntland ay ahaayeen kuwo sax ah.

Arrintan ayaa waxaa cambaareeyay Saxafiyiin badan oo isugu jira kuwo ku sugan dalka gudihiisa iyo qaar ka howlgala dalka dibadiisa, waxaana qeybahaasi ka mid ah Maxamed Nuur Shariifka oo ka mid ah wariyeyaasha ku dhaawacmay magaalada Muqdisho.
“Hadii dadkii maanta la hubay, iyagoo howshooda shaqo ku guda jiray loo dhaawacay in dad kale oo weji lagu keenay meesha la geeyay, aad ayaan uga xumahay”ayuu yiri Maxamed Nuur Shariifka.
Inkastoo Cumar Faaruuq oo horay u geystay qiyaamooyin aad u fool xun, hadana muddooyinkaan dambe waxaa muuqanayay in laga reystay hagardaamooyinkiisii, waxaase haatan nasiib darro ah inuu ninkaasi mar kale la soo baxo beentii iyo daneysigii lagu yaqiinay, isagoo beesha caalamka isaga dhigaya ruux wakiil ka ah ama isku xiri kara Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hadba hay’adda wax u qabaneysa.

Layaab ma laha in mar qura la qaldo IGAD, balse waxaa haboon in IGAD iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay mar kasta ka digtoonaadaan in shaqsigaasi uu mar kale isku dayo inuu iibsado magaca sharafta badan ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Inkastoo aan ka xanuunsaday qaladka uu sameeyay shaqsigaasi horay uga tirsanaa NUSOJ hadana waxaan ku kalsoonahay inaanu mar dambe IGAD siri karin, maadaama ay ogaatay waxa uu yahay ruuxaasi, waxaana wax lagu farxo ah in Cumar Faaruuq uu mar kale ku hor kufay urur weyne ka mid ah kuwa caalamka ka jira, iyadoo horay loo ogaa inay u soo naceen hay’adaha Warbaahinta caalamka sida IMS, CPJ, PRESS NOW, iyo hay’ad kale oo fadhigeedu yahay dalka QADAR, taasi oo uu ka lunsaday dhaqaale aad u fara badan oo sufuyiin soomaaliyeed oo la dhibaateeyay ugu soo dhiibtay..

Si ayan dib dambe ugu soo noqonin qiyaamooyinka ninkaasi waxaan ku talin lahaa inay Suxufiyiinta Soomaaliyeed u midoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen beenta, daneysiga, qiyaamooyinka iyo hagardaamooyinka uu wado ruuxaasi, waxaana ila haboon in sidii horayba loogu go’doomiyay in hadda iyo wixii ka dambeeya loo sii go’doomiyo si ay Suxufiyiintu uga badbaadaan daneysiga shaqsigaas.
Jabriil Maxamuud Nuur

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed