2: 1,013 Jeer.
Faahfaahin ka soo baxaysa Dabkii ka kacay Diyaaradii uu saarnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Iyadoo gowr dhow lagu waday in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminaayay ay gaaran Magaaladda Jubba ee Cariga Dalka South Sudan, ayaa waxaa cilad qabsatay Diyaaradii ay ugu ambabixi lahaayen South Sudan.
Duuliyihii waday Diyaaradda uu saarnaa Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay soo dajinta Diyaaradii uu Saarnaa Madaxweynaha iyo Wafdigii kadib markii ay diyaarada qabsatay cilad sababtay in Diyaaradda uu dab ka kaco.
Mid kamid ah Sarkiisha Ciiddamadda Ammaanka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Diyaaradda Madaxweynaha uu qabsaday kadib markii ay hawada ku qabsatay dab.
Wuxuu sheegay in Diyaarada ay kusoo laabatay Garoonka Aadan Cadde, isagoona sheegay in Cilada Diyaaradda ay aheyd mid sababi kartay geeri iyo Khasaaro badan.
Sarkaalka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Madaxweynaha diyaaradii uu uga safray garoonka Aadan Cadde waxa ay soo laabatay iyada oo holceysa. Alla Mahadii Madaxweynaha waa laga bad-baadiyay iyadiina waa la demiyay. Madaxweynaha hada waxa uu kusuganyahay VIP-da. Waxaa loo dalbay diyarad kale oo qaada si uu safarkiisa u sii wato”, Ayuu yiri Sarkaalka.
Dhanka kale, Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia ahna La taliyaha Madaxweynaha, ayaa waxa uu sheegay in Diyaaradda ay qabsatay Cilad weyn, balse ay Mas’uuliyiintii saarnaa ay nabad-qabaan saacadaha soo socdana ay u ambabixi doonaan Dalka South Sudan si ay usii wataan Safarkooda.
Afhayeenka waxa uu sheegay in Ciiddamadda garoonka kuwooda dabdamiska iyo gargaarka ay durbadiiba ka gaarsiiyeen Diyaaradda isla markaana damiyeen inta uusan baahin Khasaaraha Diyaaradda.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdigii la socday, ayaa waxa ay ku sugan yihiin Hoolka VIP iyagoona sugaaya diyaarad bad-qabta oo geysa Dalka South Sudan si ay uga qeybgalaan Munaasabad lagu casuumay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨