1: Tuesday, July 9, 2013 - 17:11:51
2: 281 Jeer.

Faahfaahin dheerad ah oo ka soo baxayso Qaraxii ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

ggg

Fah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa noociisa bambada nooca gacanta ayaa lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo watay gaari nooca loo yaqaan kaaribta,halkaasi oo ku gubtay gaariga.

Dadka suuqa Bakaaraha ku sugan ayaa sheegaya in saddex askari oo kamid ah kuwa dowladda ee saarnaa gaariga ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Raga bambada ku tuuray gaariga ciidanka ay wateen ayaa goobta ka baxsaday,iyaga oo aysan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee suuqa Bakaaraha ayaan ka hadlin qaraxa khasaaraha geestay ee ciidanka Dowladda lagu tuuray.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed