1: Tuesday, July 2, 2013 - 11:28:13
2: 450 Jeer.

Faahfaahin dheeraad ah. Askar Kenyati iyo Kuwa Raaskambooni oo ku geeriyooday Madaafiicda lagu tuuray garoonka Kismaayo.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jjjj

Illo-wareedyo ku sugan Kismaayo oo ka tirsan Maamulka Jubbalanda garabka Axmed Madoobe, ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay in Weerarkii xalay lagu qaaday Garoonka Kismaayo uu geystay Khasaaro nafeed.

Illo-wareedka ayaa noo xaqiijinaaya in Weerarkaasi ay geysteen Alshabaab ay ku dhinteen 6-Askar oo Kenyati ah iyo Laba askar oo kamid ah kuwa Raaskambooni.

Xiliga weerarka lagu qaaday garoonka ayaa waxaa gudaha garoonka ka socday Shir ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Kenya iyo Raaskambooni iyo Odayaal taageersan garabka Ahmed Madoobe.

Weerarka Hoobiyayaasha ayaa ahaa mid lala beegsaday Hoolka ay Mas’uuliyiintaasi ku shirayeen iyo daafaha Garoonka oo ay xiligaasi fadhiyeen Ciiddamadda Ammaanka garoonka.

Ciiddamadda Kenyatiga ee Hoobiyayaasha ku dhintay ayaa lagu soo waramayaa in gowr dhow loo qaadi doono Magaalladda Nairobi ee dalka Kenya, halka Labada Askar ee ka tirsanaa Raaskambooni gowr dhow la aasi doono sida ay wararka noo xaqiijinayaan.

Ugu dambeyntii, Ciiddamadda Raaskambooni, ayaa saakay bilaabay baaritaano ay ku xaqiijinayaan Ammaanka Magaaladda iyaga oona beegsanaya goobo looga shakisan yahay in Hoobiyayaasha laga soo tuuray.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed