1: Sunday, June 30, 2013 - 12:17:52
2: 114 Jeer.

Ergayga QM u qaabilsan Somalia oo sheegay in Wareega 2aad ee Wada Hadalada Dowladda iyo Maamulka Somaliland uu Turkiga Todobaadka dambe ka bilaabmi doono.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

yhvbgffg

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia ambassador Nicholas Kay ayaa waxa uu Cadeeyey in wareegii labaad ee wada hadalada Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland uu Ankara ka bilaabmi doono Todobaadka nagu soo aadan.

Sida ay warbixin ku baahisay barta Somalilandinformer news website, Ambassador Kay ayaa sidaasi kaga dhawaaqay barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxaanu sheegay in wada hadal heer sare ah ay Turkiga ku yeelan doonaan Dawlada iyo Maamulka Somaliland.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac ee Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland oo ku saabsan hadalka uu sheegay Ergayga Somalia u qaabilsan Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

Bishii April ee sanadkay ayay dawlada Turkey martigalisay wadahadaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland oo qayb ka ahaa dedaalo la iskugu soo dhaweynayey.

Maamulka Somaliland oo kamid ah Gobaladda Dalka Somalia ayaa raadinaaya Aqoonsi Caalami ah iyo inay wadan gaar ka ah Somalia ay noqoto, halka Somalia-na ay ka muuqdaan doonista Midnimo ay Somaliland la galaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed