1: Thursday, July 18, 2013 - 17:45:55
2: 1,436 Jeer.

Ereteria oo maalgalineysa Hoggaamiye Kooxeedyo Cusub oo Somali ah. (Akhriso Magacyadooda + Warbixin Turjuman)

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

ggghhg

Dowladda Ereteria, ayaa lagu eedeeyay inay mar kale, maalgalineyso Hoggaamiyo Kooxeedyo Somali ah, si degnaansho la’aan looga abuuro Magaalladda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka Somalia.

Warbixin ka kooban 500-Bog oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka QM ayaa lagu sheegay inay Dowladda Ereteria dar dar galineyso taageerada taageerada la siinaayo Hoggaamiyo Kooxeedyo gacan saar la leh Kooxda Islaamiyiinta Alshabaab si loo sii wado falalka qarbudaada, dilalka iyo degnaansho la’aanta Somalia.

Guddiga QM u qaabilsan kormeerka Xayiraadaha saaran Somalia iyo Ereteria, ayaa tilmaamay inay Dowladda Ereteria maalgalineyso Shaqsiyaad kamid ahaa Hoggaamiyo Kooxeedyo iyo Xubno ka tirsanaa Isbeheysigii dib u xoreynta Somalia (ARS) ee lagu aasaasay Caasimada Dalka Ereteria ee Asmara.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Cabdi Nuur Siyaas (Cabdi Waal) oo ka tirsanaa Isbeheysigii Argagixiso la dirirka oo hootan kamid yahay Xubnaha Qaswadayaasha ee Dowladda Ereteria maalgalineyso, si ay usii wadaan falalka Degnaansho la’aanta ee ka jirto Somalia gaar ahaan Magaalladda Muqdisho.

Cabdi Waal oo ay isku heeb yihiin Hoggaamiyaha Xagjirka ee xiran  Xassan Dahir Aweys, ayaa lagu eedeeyay inuu gacansaar dhow la leeyahay Hay’adda Sirdoonka Ereteria.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Sakariye Maxamed Xaaji Cabdi oo ka tirsanaa Aasaasayaashii Isbeheysiga Asmara (ARS) iyo Cabdi Waal ay leeyihiin Ciiddamo qarsoodi ah oo loo adeegsado Howlgalada gaarka ee laga fulinaayo Magaalladda Muqdisho.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo heshay Nuqul kamid ah Warbixinta ay diyaariyeen Khubaro ka tirsan Guddiga QM u qaabilsan kormeerka Xayiraada Hubka Somalia iyo Ereteria, ayaa lagu sheegay in mid kamid ah Maalgaliyaasha Kooxda Alshabaab oo lagu magacaabo Axmed Nuur oo lagu naaniiso Ugaas Maxamed Weli Sheikh inuu dhowr kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Ereteria u fadhiyo Sudan oo lagu Magacaabo Maxamed Mantaey.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhowr kulan oo labadaasi Mas’uul ku yeesheen Caasimada Khartoum ee Dalka Sudan looga hadlay sidii Dowladda Ereteria taageero dhaqaale usiin laheyd Ugaaska si loogu maalgaliyo Howlgalada Kooxdaas.

Safiirka oo horay u ahaan jiray Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Militeriga Ereteria, ayaa waxa uu horay Ujoogi jiray Somalia, isagoo Taageero Militeri siin jiray Kooxda Alshabaab ka hor inta aysan Dowladda Kenya gacanta ku dhigin 2009-kii Xilli uu kasoo laabanaayay Somalia.

Xigasho:- Reuters

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed