2: 114 Jeer.
ENRIQUE: Wuu Sii Joogi Doonaa Ciyaaryahan Suarez Kooxda Liverpool
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Daafaca bidix ee kooxda Liverpool JOSE ENRIQUE ayaa ku adkeystay in ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxa Red-ka Luiz Suarez uu baaqi ku sii ahaan doono kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield
26-jirkaan u dhashay wadanka Urugay ee Luiz Suarez ayaa heshiiska uu kula jiro kooxda Liverpool waxaa uga harsan mudo sadex sano ah.
ENRIQUE ayaa maanta wareysi uu siiyey Website-ka kooxda Liverpool waxa uu u sheegay in weeryahankooda Suarez uu la sii joogi doono xaagaaga soo aadan kooxda ka dhisan Gobolka Liverpool ee ku yaala wadanka Britain
Suarez ayaa 10-kulan laga ganaaxay horyaalka Preimer League, kadib markii uu qaniinay daafaca kooxda Chelsea ee Ivanovic, ciyaartaas oo ku soo dhamaatay 2-2
“Suarez wuu la sii joogi doonaa kooxda Red-ka, xitaa waxa uu diyaar u yahay inuu dhameysto ganaaxa ay ku soo rogeen xiriirka FA ee lagu ganaaxay illaa iyo 10 kulan” ayuu u sheegay Website-ka kooxda Liverpool ciyaaryahan JOSE ENRIQUE
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨