1: Friday, June 7, 2013 - 14:25:36
2: 674 Jeer.

England waligeed koob ma qaadi doonto –SABAB?

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

stutye-2337135-1A306A3A000005DC-423_636x481
Tababaraha xulka 21 jirada Ingriiska Stuart Pearce ayaa sheegay in aaney England wax koob ah qaadi doonin sanadaha soo socda.

Stuart Pearce waxaa uu sheegay in England aaneyba aqoonin sida adunka loola tartamo ,waxaana uu ku tilmaamay dad dhamantood isla weyn.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan xidigo 21 jiro ah iyo kuwa ka hooseya oo xulka waa weyn loo qaatay xili xulka 21 jirada England ay ka qeyb galayan koobka qarada yurub ee 21 jirada

Waxaa uu sheegay in wadamada Spain ,Italy iyo Holland ay soo wateen ciyaartooy caan ah,halka England ay wadato xidigo aan badi wax tar aheyn.

Waxaa uu sheegay in xidigaha Phil Jones, Alex Oxlade-Chamberlain, Jack Wilshere, Jack Rodwell, iyo Danny Welbeck loo baahnaa in ay England umataalaan koobkan 21 jirada

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed