2: 1,398 Jeer.
Dowladda Somalia oo hurineysa Khilaafka ka taagan Wabiga Niil ee u dhexeeya Ethiopia Masar Sudan.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Maalmahan waxaa jiro Khilaaf xooggan oo ku saabsan biyaha wabiga Nile oo mar kale cirka isku shareeray kadib markii dawlada Ethiopia ay shalay si rasmi ah ugu eedaysay Dawlada Masar inay ka caga jiidayso dadaalka loogu jiro xal u helida khilaafka biyaha Niil iyadoo Ethiopia ay ku goodisay in heshiis cusub oo ku saabsan wadaaga biyaha Niil ay la geli doonto 6-Wadan oo Afrikaan ah oo aysan ku jirin Masar iyo Sudan
Dowladda Ethiopia, ayaa wadda Qorshe ay biyo xireen ugu sameyso Wabiga Niil, waxa ayna Saameyn Ballaaran ku yeelaneysaa Dowladda Masar iyo Sudan, iyadoona ay Labada Dowladood isku dhacsan yihiin mid walibana dooneyso inay maja xaabiso mida kale, Halkaasina waxaa ka faa’iideysanaaya Dowladda Ethiopia.
Saraakiisii ka socday Dowladda Masar oo dhawaan gaaray Somalia ayaa waxaa lagu soo waramaaya in Ujeedka socodkoodu ahaa sidii Dowladda Somalia uga cabin laheyd Siyaasadda la xiriirta Wabiga, waxa ayna wararku sheegayaan in Masar ay dooneyso inay Ethiopia ay culeys ka soo saarto dhanka Somaliland, waxa ayna dooneysaa Masar inay Dowladda Somalia ay gacanta ku dhigto Gobalka Somaliland si halkaasi ay Masar uga sameysato Xarumo Ciidan.
Masar xiriir Siyaasadeed kalama dhaxeyn Somalia, waxa uuna xiriirkoodu kusoo beegmaya Xilli laga cabsi qabo in Dagaal uu dhex maro Ethiopia,Masar iyo Sudan, taasoo soo dadajisay in Dowladda Masar ay bilawday inay Xarumo Ciiddan ka sameysato Gudaha Dalka Somalia, Xarumahaasi oo ay dooneyso inay ka indha indheyso Dhaqdhaqaaqa Dowladda Ethiopia ee Wabiga Niil.
Shacbiga Soomaaliyeed ayaa waxa ay is weydiinayaan wixii xiligaani kusoo beegay in Dowladda Masar ay Xiriir sukeeye la sameyso Dowladda Somalia, waxa ayna Arrintaasi ku micneeyeen Shacbiga in Masar ay dooneyso inay Dowladda Ethiopia ka Mashquuliso Wabiga , iyadoo hubeyneysa Ciidanka Dowladda Somalia.
Ugu dambeyntii Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay qarka u saaran tahay inay Biya xireen ku sameyso Wabiga Niil, taasoo dhibaato ay kala kulmayaan Dowladaha Masar iyo Sudan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨