1: Sunday, July 7, 2013 - 19:16:46
2: 942 Jeer.

Dowladda oo ka baxday qodobkii ugu weynaa ay Beesha Habar gidir ku raadinayeen sii deynta Xassan Dahir Aweys. (Waa maxay qodobkaasi).

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy

Xukuumadda Somalia, gaar ahaan Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa ka baxay qodob muhiim u ahaa Beesha Habar Gidir oo ku aadaneyd sii deyntiisa.

Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida, ayaa laaday Qodobkii ahaa in Xassan Dahir laga saaro Xarunta Hay’adda Nabad Sugida uu kaga jiro, iyagoona ka cudur daartay ballankii ahaa in lasii deyn doono Xassan Dahir ee laga saari doono Xabsiga kor ka feydan.

Go’aanka ay Odayaasha Beesha Habar Gidir kala kulmeen Hay’adda Sirdoonka ayaa waxa uu Shaki galiyay Reerka Xassan Dahir, maadaama Qodobkaasi uu ahaa mid muhiim u ahaa Beesha.

Go’aanka ay Hay’adda Nabad Sugida uga laabatay qodobkaasi ayaa waxaa lagu micneeyay kadib markii uu Xassan Dahir si cad u sheegay inuusan ka laaban doonin Fakirka Xagjirnimo ee Alshabaab, taasoo shaki galisay Saraakiisha iyo Xukuumadda maadaama Xassan Dahir uu saameyn ku yeelan karo Shacbiga.

Ma cadda in Dowladda ay si rasmi ah u hirgalin doonto Qodobadii kale ay kula heshiisay Odayaasha Beesha Habar gidir maadaama ay iminkaba ka baxday Qodob lagu balamay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed