1: Wednesday, June 5, 2013 - 08:19:32
2: 868 Jeer.

Dowladda Kenya oo daboolka ka qaaday danta ay ka leedahay Somalia.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

ddddddd

Uhuru KenyattaMadaxweynaha dalka Kenya, oo siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxda Somalia, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Kenya aysan Somalia ka laheyn dano gaar ah.

Madaxweyne Kenyatta, waxa uu si cad u sheegay in Dowladiisu ay Ahmiyadda koowaad siineyso sidii ay Somalia uga soo bidhaami laheyd Dowlad dhan waliba ka dhisan oo ay u dhameystiran yihiin Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Bulshadda.

Waxa uu Tilmaamay in Shacbiga Somalia ay is weydiinayaan Danta Kenya ay ka leedahay Somalia, Balse taasi aysan aheyn mid ka turjumeyso Xaqiiqda dhabta ah isagoona sheegay in Dowladiisu aysan dan kalaheyn Somalia oo ay sugeyso Somalia oo nabad ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Kenyatta waxa uu sheegay in Dowladiisu ay ku fakareyso sidii ay Somalia uga dhalin laheyd Ammaan waara danta ay ka leeyihiina ay tahay Nabadeynta dalka dagaalada ay aafeeyeen ee Soomaaliya, isagoona door muhiim ah ku tilmaamay kaalinta Nabadeed ee IGAD ay ka geysaneyso Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxa uu hadalkaasi ka jeediyay aqalka looga arimiyo dalkaasi, wuxuu kaloo Mr. Kenyatta amaanay dadaalada nabada loogu raadinayo ee ka socda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay dadaalada maamul goboleedyada loogu dhisayo gobolada dalka Soomaaliya kaasi ay garwadeeyn ay ka tahay dowlada Soomaaliya, isagoona ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay tiirarka lixda gaaraya ee dowlada Soomaaliya ay ku tiirsan tahay.

Ugu dambeyntii, Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa dhamaan dhinacyada isku howlaya ka qeyb qaadshada Nabadeynta Soomaaliya sheegay in ay garab taagan yihiin, islamarkaana ay la shaqeynayaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed