2: 707 Jeer.
Dowladaha Yurub oo Hanjabaad u diray Dowladda Maraykanka.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Hoggaamiyeyaasha dalalka Midawga Yurub ayaa digniin ka soo saaray shalay falalka Basaasnimada ah ee ay ku hayso Hay’ada Amaanka ee Maraykanka ee National Security Agency (NSA).
Kuwaas oo sheegay inay Virus iyo xatooyo ku ku hayso Xafiisyadooda Midawga Yurub oo ay u dhacdo Dawlada Maraykanku macluumaadka ku jira Computer-radooda.
Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo ka hadlay arintaasi ayaa iyagu sheegay in talaabooyinkaasi ay Khalkhal galin doonaan Xiriirka iyo wada hadalada Ganacsi ee ay la leeyihiin Maraykanka hadii uu joojin waayo.
Dhawaanahan ayaa waxa soo baxayey iska hor imaad ka soo baxayo Korodhka heerka Basaasida ee Maraykanku ku hayo China iyo Europe.
Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Germany ayaa ugu baaqay Safiirka Dawlada Maraykanka u fadhiya dalkiisa inuu cadeeyo falalkaasi, halka Madaxweynaha dalka Jarmalka Chancellor Angel Merkel ay arrimahaasi kala xaajoon doonto Madaxweyne Barack Obama, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Angela Markel.
“Hadii jawaab waafiya oo diblomaasiyadeed laga bixin waayo shakhsiyaadka iyo dawladaha Midawga Yurub ee la Basaasay, waxa aanu si cad u sheegi doonaa in saaxiibadayo la baasaaso inaanaan aqbali doono” sidaasi waxa yiri Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Jarmalka.
Sidoo kale waxa ka hadlay arintan Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande oo sheegay inay joojin doonaan wada xaajoodyada ganacsiga hadii maraykanku uu ka waantoobi waayo dhaqamada noocan ah ee uu Europe ku basaasayo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨