Waxaa la aqristay: 577 Jeer.
Dowlada Turkiga oo qaadacday Codsigii Mareykanka ee gacan galinta Wiil uu Awoowe u ahaa Siyaad Barre.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Garsoore u dhashay dalka Turkiga ayaa xukmiyey in aan Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabo Ahmed Diini loo gacan-gelin Karin Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka (CIA)-da iyo Dembi-baarista Boliska Maraykanka (FBI)-da, oo iyagu codsaday in Ninkaasi loo soo gacan-geliyo.
Garsooraha ayaa sheegay in Codsiga ay Maraykanka u soo gudbiyeen Turkiga aanu ku qeexnayn sababo macquul oo ay Ahmed Diini ugu gudbiyaan Hay’adaha Marayaknka.
Ahmed Diini oo haysta dhalashadda dalka Holland ayaa dhawaan la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Ankara, kadib, markii uu dalka Turkiga ku xirnaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Hay’adaha FBI-da iyo CIA-da ayaa horey uga codsatay Dowladda Turkiga inay soo wareejiyaan Muwaadinkaasi oo ay ku eedeynayaan inuu gacan-saar la leeyahay Xarakadda Alshabaab oo ku jirta Liiska ay Maraykanka ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda.
Dhinaca kale, Garyaqaanka Axmed Diini oo lagu magacaabo Andre Seebregts ayaa dadaal u galay sidii ay Maxkamadaha Turkiga u go’aamiyaan inuu Axmed Diini yahay qof aan dembi lahayn, isla markaana dib ugu laaban kara dalka Holland.
Garsooruhu waxa uu tilmaamay inuu sharci-darro yahay xariga Axmed Diini, wuxuuna aad uga dooday qorshaha loogu gacan-gelin lahaa Maraykanka.
Axmed Diini oo uu awoowe u yahay Madaxweynihii hore ee Somalia, Jeneral Maxamed Siyaad Barre, waxa uu ku soo barbaaray dalka Holland, laakiin dhowr sanno ka hor ayuu u soo guuray dalka Masar.
Muddo 8 bilood ayuu ku xirnaa dalka Masar, ka hor intaan la sii daayey bishii March ee la soo dhafaay, laakiin waxaa mar kale lagu qabtay dalka Turkiga, xilli uu Taransit ku ahaa, kuna sii jeeday dalka Holland.
Xarigiisa ayaa yimid, kadib, marki iay Dowladda Maraykanka ka codsatay Turkiga inay ninkaasi xiraan, una soo masaafuriyaan Maraykanka, si loogu maxkamadeeyo.
Ma cadda xilliga ay Maamulayaasha Turkiga u oggolaan doonaan Axmed Diini inuu sii wato safarka uu dib ugu laabanayo dalka Holland
Xigasho:- nltimes.nl
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨