1: Saturday, June 8, 2013 - 15:25:25
2: 1,457 Jeer.

Diinta islaamka ayaa Papiss Cisse udiideysa in uu xirto funaanada cusub ee Newcastle –SABAB?

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

ciseticle-2337828-1A35962F000005DC-772_636x433
Kooxda Newcastle ayaa sheegtay in laacibka weerarka ugu ciyaara kooxdaas iyo xulka Sengegal , Papiss Cisse uu ku soo war galiyay in uusan xiran doonin funaanada cusub ee kooxdu ku ciyaari doonto xagagan ,diinta uu heysto ee islaamka awgii.

Kooxda Newcastle ayaa heshiis la gaartay shirkada Wonga.com. taas oo ah shirkad British ah waxaana ay lacago deyn ah siisa dadka iyadoo dul saar ka qaadata ,waana wax ay diinta islaamku ku tilmaamto “ribada”

Sidoo kale kooxdu waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale ka soo horjeesteen arintaan xidigaha Cheick Tiote and Hatem Ben Arfa oo iyaguna heysta diinta islaamka una ciyaara kooxda Newcastle sida ay daabacday Daily Mail.

Lama oga waxa ay sameyn doonto Newcastle inkastoo heshiisku uu dhacay.

Hore waxaa loo xasustaa in Freddie Kanoute uu kooxda Sevilla ka diiday in uu xirto funaanadi ay ku qorneyd 888.com oo ah shirkad qamaarka ka shaqeysa waxaana lagu abaal mariyay inuu ku ciyaaro funanada aaney waxba ku qorneyn.

Away strip: Steven Taylor models the kit which features the pay-day loan company Waa xidiga Newcastle ,Steven Taylor oo xayeysiinaya funanada cusub ee kooxda 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed