HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, August 21, 2013 - 13:01:44
Waxaa la aqristay: 1,152 Jeer.

Dhibaatooyinka lasoo darsa naagaha uurka leh Warbixin caafimaad oo muhiim ah Qeybtii 1-aad

Waxaa Qoray:

Uurka
Barnaamijka Caafimaadka: Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raaxo-daro hadba marka jirkaagu is beddelo. Isku day talaabooyinkan aasaasiga ah oo la hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada si aad u heshid talo dheeraad ah. Ha isticmaalin wax ah dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan ama dhir/geedo adiga oo aan marka hore la hadlin dhakhtarkaaga.
Waxaan qormadaan uga hadli doonaa dhibaatooyinka ugu caansan ee la soo dersa haweenada uurka leh waxaan ka mid ah:

* Walac (Morning Sickness)
* Daal (Fatigue)
* Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)
* Cirib dhiigid (Bleeding Gums)
* San cabur iyo san-goror (Epistaxis & Nose stuffiness)
* Danqasho naaska ah (Tender Breast)
* Laabjeex (Hearburn)
* Bararka gacmaha iyo cagaha (Swelling of Hands and Feet)
* Kaadi badni (Polyurea)
* Calool-adag ama Shuban (Constipation or Diarrhea)
* Baabasiir/Bawaasiir (Hemorrhoids)
* Dhabar-xanuun (Back pain)
* Maroojis Lugta ah (Leg Cramps)
* Xidido Dhiig oo Bararsan (Varicose Veins)
* Dheecaan siilka ah (Vaginal Discharge)
* Madax-xanuun (Headache)
* Hergab/Ifilo (Cold/Flu)
* Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)
* Dawakhmid (Dizziness)
* Xiriirka galmada (Sexual relations)
* Isbeddelada Niyada ama Fikirka (Changes in Mood or Thinking)
* Jamasho cunto (Food Cravings)
* Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha (Skin, Hair and Nails)

Walac (Morning Sickness)

Lallabo ama dareen ah in calooshu jiran tahay waxa badanaa loo yaqaanaa walac. Waa caadi la isku arko inta lagu jiro 14 todobaad ee ugu horeeya uurka.
• Isku day inaad cuntid rooti, rooti qalalan ama siriyaal ka hor inta aanad ka degin sariirta subixii. Waxa laga yaabaa in cuntooyinkaasi ku gargaaraan wakhti kasta oo ah maalinnimada oo aad isku aragtid lallabo.

• Cun cuntooyin yaryar balse marrar badan cun halka aad ka cuni lahayd cunto weyn oo ah 3 wakhti.
• Iska ilaali in calooshaadu marnaato.
• Iska ilaali inaad dhakhso u jiifsatid ka dib marka aad wax cuntid.
• Iska ilaali cuntooyinka leh baruur badan, la shiilay, leh basbaas ama dufan.
• Iska ilaali urta cuntada.
• Wac dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad haddii aanad awoodin inaad ceshatid cabitaanada mudo ka badan 24 saacadood, haddii aad leedahay kaadi madow ama aad dareentid tabar-dari ama wareer/dawakh.

Daal (Fatigue) iyo Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)

Daal
Inaad daal dareento waa caadi.
• Samee jimicsi maalin kasta haddii uu oggol yahay dhakhtarkaagu si tamartaadu u kororto.
• Naso marrar badan. U jiifso dhinaca bidix ugu yaraan 1 saac inta lagu jiro maalinnimada.

Hurdada oo Dhib ah
Marka uurkaagu sii weynaado, waxa dhib noqon kara inaad raaxeysatid oo seexatid.
• Iska ilaali cabitaanada leh kafeyn.
• Wax ha cunin wax yar ka hor wakhtiga jiifka.
• Isku day qubays ama mayrasho diiran ka hor wakhtiga jiifka.
• Samee jimicsiyada sida neefsasho xoog leh iyo iskala-bixin.
• U jiifso dhinaca bidix iyada oo barkin kuugu jirto lugaha dhexdooda kana hooseyso calooshaada.

Cirid dhiig, Sangoror iyo Naasa xanuun

Cirid dhiig-baxaya
• Isticmaal burush jilicsan oo si tartiib ah u nadiifi ilkaha. Maalin kasta mari ilkaha xarkaha ilkaha (floss).

Dhiig Sanka ah
• Waxa aad sankaaga ku dhibcin kartaa dhibco milixeysan ama waxa aad galin kartaa nooc labeen ah (gel).
• Si aad u joojisid dhiig sanka ka socda, fadhiiso ka dibna si adag farahaaga ugu cadaadi dhinaca sanka/dulka dhiiggu ka socdo.

Naaso danqanaya ama caano ka da’ayaan
• Xiro rajabeeto aan xoog kuu haynin sida keeshaliga isbortiga.
• Waxa laga yaabaa inaad gargaar ka heshid keeshali aan lahayn fiilooyin ama waayiro marka aad seexanaysid habeenkii.
• Keeshaligaaga gasho kuusaska naaasaha (nursing pads) haddii naasahaagu sii daynayaan caano.

Laabjeex iyo Bararka Gacmaha iyo Cagaha

Laabjeex

•Laabjeexu waa dareen gubasho leh oo ah caloosha, dhuunta ama laabta.
• Iska ilaali kafeyn, wixii caano ah ama ka sameysan, cuntooyinka leh dufan, asiidh/aashito ama basbaas.
• Cuntooyin yaryar cun 2-3 saac kasta. Si tartiib ah wax u cun.
• Ka dib marka aad wax cuntid ha jiifsan muddo 1 saac ah.
• Ha gashan dhar ciriiri kugu ah.
• Ha iska laabin dhexda. Iska laab jilibaha marka aad foorarsanaysid.
• Ilaa 2 saacadood ha sameyn jimicsi marka aad wax cuntid.
• Seexo adiga oo madaxa sare ugu soo qaaday barkin labaad ama dheeraad ah.
• Ha cabin sigaar.

Bararka Gacmaha iyo Cagaha

•Iska ilaali inaad taagnaatid ama fadhidid mudo dheer.
•U jiifso dhinaca bidix mudo ah 30-60 daqiiqadood, 3-4 jeer maalin kasta.
•Samee jimicsi haddii uu dhakhtarku kuu oggol yahay.
•Iska ilaali cuntooyinka milixdu ku badan tahay.
•Booqo dhakhtarkaaga haddii aad toostid dhawr subax oo iska xiga adiga oo leh barar.

Kaadida oo Badan

•Tani waa caadi.
•Ha yareen cabitaanka ama biyaha, laakiin isku day inaanad cabin wax badan ka hor wakhtiga jiifka.
•Kaadi marrar badan.
•Iska ilaali cabitaanada leh kafeyn.
•Samee jimicsiyada Kegel (la soco qoraal ku saabsan jimicsiga kegel) si aad u xoojisid oo u xukuntid muruqyada ku wareegsan siilka.
•Si aad u garatid meesha ay ku yaalaan muruqyadaasi, kaadida jooji oo dib u bilaw marka aad isticmaalaysid musqusha.
•Isku day inaad adkaysid muruqyada hadba in yar. Ka dibna si tartiib ah u sii daa.
•Marka aad adkaysid muruqyada, waa inaad dareentid aagga ku aadan ibta kaadida, ama meesha kaadidu ay ka soo baxdo, oo wax yar sare u kacaysa.
•Samee jimicsiyadaa marka aad fadhid, taagan tahay, soconaysid, baabuur wadid ama daawanaysid telefishanka.
•Samee jimicsiyadan 10 jeer, 5 ilaa 10 jeer maalintii.
•Wac dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid gubasho ama xanuun marka aad kaajaysid ama aad qabtid qandho.

Lasoco Qeybta labaad Todobaadka Soo socda: -

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨