1: Tuesday, May 28, 2013 - 18:49:18
2: 407 Jeer.

Murun kadib oo Wafdiga ku xanibnaa Garoonka Kismaayo loo fasaxay inay galaan gudaha.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

ghgytytyt7362532435381900999000bsjew

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in Wafdiga Xukuumadda Somalia ku xayirnaa Garoonka Kismaayo Is jiijiid maalmo qaatay kadib loo Fasaxay inay galaan gudaha Magaalladda Kismaayo.

Wararka ayaa waxa ay sidoo kale, nagu soo gaarayaan in Wafdigaasi loo Ogolaaday inay kormeeraan Xarumaha Ciidamada Dawlada ay ku leeyihiin Kismaayo Gudaheeda oo meelo kale aysan tagi Karin, iyagoona lagu wargaliyay haddii ay galaan goobo aan loo fasaxin wixii soo gaara aysan Mas’uuliyadeeda qaadi doonin Maamulka Kismaayo garabka Axmed Madoobe.

Waxan la saadalin Karin sida ay noqon doonto Xaaladda Wafdiga, iyagoona Habeennimadii xalay lagu weeraray gudaha Garoonka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed