1: Friday, June 14, 2013 - 09:48:20
2: 302 Jeer.

Dhalinyaro la sheegay inay Somali yihiin oo lagu dhex toogtay Dalka Maraykanka.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

iii

Sida ay daabaceen Warbaahinta Dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Ruux hubeysnaa uu Xarunta daryeelka ee AK Home Health Care LLC, oo ku taala dhismaha Cherokee Place ee magaalada St Louis, uu Seddex ruux ku toogtay kadibna uu isaga isku dilo goobta, sida ay warbaahintu xaqiijisay.

Michael sack oo ah kabtanka Ciidamada booliska ayaa waxa uu sheegay in ruuxa dilka geystay uu ahaa milkiilaha dukaan yar oo ku yaala goobta falka uu ka dhacay, halka seddexda ruux ee geeriyootay ay ahaayeen shaqaalahiisa.

Michael sack ma uusan sheegin Magacyadda Saddaxda ruux ee la dilay iyo Shaqsiga Toogashadda geystay, balse kabtanka waxa uu sheegay in dadka dhintay da’dooda ay ahaayeen kuwa ka weyn Afartan Sanno una dhexeeya ilaa iyo Kontan Sanno.

Wargeysyadda ayaa waxa ay soo xiganayeen Abdi Salam Elmi oo ah wiil Somali Maraykan oo ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in dadka la dilay ay saaxiibo dhow ahaayeen, aadna uu kaga naxay markii uu dilka maqlay.

“Had iyo jeer wey ila dhoolacadeyn jireen. Maanta waa maalinta iigu xun noloshadayda. Waa maalinta iigu murug badan maanta, waa maalinta magaalada ugu muruga badan”ayuu yiri Cabdisalaam Cilmi oo goobta dilka ka dhacay ugu waramaayay Warbaahinta iyo Boliska.

Boliska Magaallada ayaa waxa ay shaki ka muujinayaan in dilkaasi uusan geysan muwaadin Dalka u dhashay, balse ay aaminsan yihiin in dilka uu geystay Nin Somali ah kaasi oo toogtay labo dhalinyaro Soomaali ah halka ruuxa Sedexaad lagu sheegay inuu u dhashay dalka Filipiin, laakiin booliska wali ma aysan kala cadeyn dadka dhintay waxay ahaayeen.

Ugu dambeyntii, Boliska ayaa waxaa ka dhaadhici la in Dilkaasi ay ku lug leeyihiin Muwaadiniin Maraykan ah, waxa ayna garwaaqsan yihiin in dadka dhintay ee Soomaalida ah iyo ruuxa dilka geystay ay ahaayeen qaraabo isku dhow.

Xigasho:- Agency

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed