2: 351 Jeer.
Dhakhtar Canug yar loogu geeyay inuu gudo oo gabi ahaan xubinta taranka ka jaray.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Warbaahinta dalka Pakistan ayaa daabacday warar sheegaya in Dhakhtar loogu tala galay inuu gudo Canug yar balse uu shaqada u qabtay si cagsi ah Xubintiina uu ka jaray Canugii yaraa.
Dhakhtarka Canuga xubinta ka jaray ayaa waxa uu u dhashay isla dalka Pakistan, waxa ayna warbaahintu daabacday in Canuga uu iminka yahay mid gabi ahaan aan laheyn xubinta taranka, isla markaana ay xaaladiisu Khatar ku jirto.
Sidoo kale, Dhakhtarka oo iminka arintaasi u xiran ayaa waxa uu sheegay in aqoonfiican uusan u laheyn dhanka gudida Carruurta balse uu ahaa ruux doonaayay inuu ku barto Canugaasi yar kadib markii arrintaasi baaritaan lagu sameeyay.
Dalka Pakistaan iyo India ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhacdooyin argagax leh kuwaasoo isugu jira kuwa indha sarcaad iyo kuwa si rasmi ah u dhaca, iyadoona ay Caalamku ka argagaxsan yihiin arrimaha Ceynkaasi ah.
Haddaba Dhakhtarka ayaa waxa uu iminka u xiran yahay arrinta la xiriirta Gudida Canugaasi yar waxaana iminka socda Baaritaano lagu xaqiijinaayo aqoonta Dhakhtarkaasi.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨