1: Friday, August 9, 2013 - 09:51:49
2: 1,966 Jeer.

Dhacdo La yaab leh:- Haweeney Masri ah oo Aabaheed ka dalbatay inuu guursado.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

hgvhgh

Nismah Amaar oo u dhalatay Dalka Masar, ayaa waxa ay warbaahinta dalkaasi sheegtay inay Aabaheeda ka dalbatay inuu guursado ka gadaal markii ay ku Jeclaatay Hanti badan uu lahaa Aabaha.

Nismah Amaar, waxa uu Aabaheed dhalay ku dhawaad 13-Carruur isugu jira Wiilal iyo Gabdho, kuwaasoo ay warbaahintu sheegtay inuu ka kala dhalay Xaasas u kala dhashay Sudan,Syria iyo Falastiin.

Nismah Amaar oo la sheegay inay tahay Gabar 26-Jir, ayaa waxaa lasoo warinayaa inay aaminsan tahay Fakirka ah ‘’Calmaaniyadda’’ waxa ayna sidoo kale aaminsan tahay inay guursan karto Aabihii dhalay iyadoona sheegtay in sharciga uusan u diideynin.

Nismah Amaar, waxa ay dhanka kale, sheegtay in Ahmiyada ay Aabaheeda guurka uga dalbatay ay tahay sidii ay ku hanan laheyd Maalka ama hantida uu Aabaheed lee yahay, balse aanan jirin hami kale oo ay aabaheed guurka uga dalbatay.

Nismah Amaar oo ah Calmaaniyad, ayaa waxa ay sheegtay in xiligaani, ay tahay Haweeney Aabaheed ka sugeyso Jawaab ku aadan guurkeeda, wallow Webseedada dalkaasi laga leeyahay aysan kasii bixin Faahfaahin dheeri ah, markii laga reebo warbaahinta Pakistaan oo qalinka kadaba qaatay dhacdadaasi Cajiibka ah.

Ugu dambeyntii, Dhacdadaani ay sameysay Nismah Amaar, ayaa waxa ay barbar soctaa dhacdooyin ceynkaasi ah oo dhowr mar ka dhacday Dalkaasi Masar.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed