Waxaa la aqristay: 313 Jeer.
DEG DEG. Xildhibaan Cumar Finish oo kamid noqday Xildhibaanada ku dhawacmay Xarunta Baarlamaanka
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegayo in Weerarkii goor dhow ka dhacay Xarunta Baarlamaanka DFS uu ku dhawacmay Xildhibaan Cumar maxamed Maxamuud oo ku magic dheer {Cumar Finish}.
Xildhibaan Cumar Finish, ayaa la sheegayaa in xiliga uu dhaawacmaayay uu ku sugnaa ilidka hore ee Xarunta Baarlamaanka, waxaana lagu soo waramayaa in Xildhibaanka uu haleelay Qaraxa koowaad ka dibna waxaa Adkeed in loo gurmado oo dhaawacyada laga qado goobta maadaama ay rasaas Xoogani dhaceysay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Weerarka ay ku dhaawacmeen Xildhibaano badan oo iyaguna ku kala sugnaa gudaha iyo banaanka Xarunta, lamina sheegin inta tiro ahaan ay gaarayaan Dhaawacyadooda.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay Dhaawaca Xildhibaan Cumar Finish Albaabka Xarunta ayaa hada lagu soo waramayaa in ay yaalaan Maydadka Qaar ka mid ah Kooxdii Weerarka soo qaaday .
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨