2: 1,760 Jeer.
DEG DEG. Xassan Dahir oo Sirdoonka Britain iyo Maraykanka siiyay Xog muhiim ah. (Waa maxay xogtaasi).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Illo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa shabakadda Soomaalidamaanta gowr dhow u xaqiijiyay in Xubno ka socda Sirdoonka Britain iyo Mareeykanka ayaa Shiikh Xassan Daahir ay Aroornimadii Saakay mar kale kala baxeen Xarunta Sirdoonka Somalia, iyagoona ka helay Macluumaad muhiim u ah Xukuumadda Somalia iyo Sirdoonka Britain iyo Maraykan.
Xassan Dahir, ayaa waxaa Gowr dhow laga saaray mar kale,Xarunta Nabadsugida ee Maama Khadiija , waxaana Dawlada Soomaaliya ay u diyaarisay Turjumaano Soomaali ah , Iyadoo Dawlada Soomaaliya ay u ogolaatay Sirdoonka Mareeykanka iyo Ingiriiska in ay la hadlaan oo ay mar kale Su’aalo Waydiiyana Shiikh Xassan Daahir Aweeys.
Illa-wareedka ayaa xaqiijiyay in Xassan Dahir uu bixiyay Macluumaad ku aadan Xarumaha ay xiligaani ku sugan yihiin Kooxda Alshabaab oo ku kala irdhoobay Dagaalada ay kula jiraa Dowladda iyo AMISOM.
Xassan Dahir ayaa waxa uu Sirdoonka siiyay Xog ah in Kooxda Alshabaab ay Muqdisho ku leeyihiin Saddax Xarumo Ciiddan oo qarsoodi ah, xarumahaasi oo uu ku sheegay in laga soo maleego Weerarada Xarumaha Dowladda lagu qaado.
Dhanka kale, Xogta ayaa sheegeysa in Xassan Dahir uu Saakay baxshay Macluumaad ah in Kooxda Alshabaab 12-Xarumo Ciiddan ku leedahay Gobalada dhexe iyo Daafaha Magaalladda Muqdisho kuwaasi oo aan loo Ogoleyn Ciiddamadad Dagaalka kusoo raago, sababo uu ku sheegay in looga cabsi qabo in lagu qaado Weeraro circa ah.
Sidoo kale, Sirdoonka Britain, Maraykan iyo kuwa Dowladda ayaa ka walaacay Macluumaadka qarsoon ee uu bixiyay Xassan Dahir Aweys taasoo noqoneysa Macluumaadkii ugu horeeyay ee uu baxshay Xassan Dahir.
Waxaa weli socda Wareysiga iyo xog aruurinta lagu haayo Xassan Dahir, waxaa jira Macluumaadyo badan oo soo gaaraya Xarunta Shabakadda Soomaalidamaanta ee Magaalladda Muqdisho dib kala socda wararkeena danbe wixii macluumaad ah.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨