2: 203 Jeer.
DEG DEG. Wafdi uu Hoggaaminaayo Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wafdi uu hogaaminayo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo kamid ah masuuliyiinta sheeganaya inay yihiin madaxweynaha Jubaland State ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Wafdiga Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugnaa Nairobi ayaa s dib ugu laabtay Kismaayo, kadib markii ay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya, Dowlada Kenya, iyo Jaaliyada Jubaland ee ku nool wadanka Kenya.
Fartaag oo ah kuxigeenka Axmed Madoobe ayaa garonka ku soo dhaweeyay wafdiga, iyadoo loo galbiyay xarunta looga arimiyo maamulka Jubaland garabka Axmed Islaam Madoobe.
Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa dagan, waxaana goor dhow la filayaa in Axmed Madoobe uu la hadlo saxaafada, isagoo faah faahin ka bixin doona kulamadii Nairobi ka dhacay iyo wax yaabihii u soo qabsoomay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨