1: Thursday, June 20, 2013 - 15:51:24
2: 324 Jeer.

DEG DEG. Shaqaalaha Shirkadaha Jowhar oo kala carar kii ugu dambeeyay ku jira maanta. (Waa maxay sababtu).

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in gabi ahaan Shaqaalaha Shirkadaha Xabsiga lawada dhigay.

Wararka aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Shaqaalaha Shirkadaha ay ka dhaga adeegeen Awaamir kasoo baxay Maamulka Degmadda oo ahaa inay bixiyaan Dhaqaale.

Sidoo kale, wararku waxa ay Tibaaxayaan in Maamulka uu Shirkadahaasi ka dalbaday inay bixiyaan dhaqaale la sheegay inuu gaarsiisan yahay 10-Milyan oo shilin Soomaali ah kadib markii ay diideena Jeelka lagu xaabiyay.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Shirkadaha ay tegayeen xubna kamid ah maamulka oo dalbanayay in gacanta loogu shubo lacagtaasi oo aan aheyn mid laga gor-gortami karo, shaqsigii diidana ay horay gaadiidka ay wataan ugu ridanayeen.

Xaalladda Magaallada ayaa waxa ay iminka tahay mid kacsan waxaana leys weydiinaaya dhacdadaani iyo baahidii ka dambeysa.

Weli Maamulka sare kama aysan hadlin dhaca ay Mas’uuliyiintaasi ka geysanayaan Shirakada waxaana jira baaritaano ay sheegen inay wadaan Shirkadaha oo lagu Ogaanaayo halka laga soo maleegay dhibkaasi.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed