2: 1,115 Jeer.
DEG DEG. Saraakiil Maraykan iyo Britain oo ku sugan Magaallada Cadado iyo Xassan Daahir oo la dhageysan doono.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay in Magaallada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Xarunna u ah maamulka Ximan iyo Xeeb ku sugan yihiin Saraakiil ka kala socta Britain iyo Maraykanka, iyadoona Illa wareedka ay sheegayaan in Xaaladda Sheikh Xassan Dahir ay gaartay Britain iyo Maraykanka.
Mas’uulka oo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu sidoo kale, sheegay in Saraakiishaasi ay ka kala imaadeen Magaallada Muqdisho iyo Gaalkacyo, waxaana la xaqiijinaaya in Saraakiishaasi ay kulan la qaadan doonaan Sheikh Xassan Daahir iyo Saraakiisha la socda.
Saraakiisha Britain iyo Maraykanka ayaa waxa ay dhageysan doonaan Sheikh Xassan Daahir iyo Macluumaadka Kooxda Alshabaab, iyadoona gowr dhow Xassan Daahir uu warbaahinta ka xaqiijin doono Mowqifkiisa ku aadan Alshabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Magaalada Cadado amaankeeda si aad ah loo adkeeyay, ayadoona la tilmaamayo in guriga laga dejiyay Xassan Daahir ay iminka ku sugan yihiin Saraakiisha Britain iyo Maraykanka.
Dhageysiga Xassan Dahir kadib ayaa waxaa la filayaa in Xassan Daahir loo duuliyo Dalka Qatar, iyadoona halkaasi la filaayo in laga furo wada hadalo u dhexeeya Xukuumadda Somalia iyo Sheikh Xassan Daahir Aweys.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨