1: Tuesday, February 5, 2013 - 13:49:27
2: 912 Jeer.

DEG DEG. Maxkamada Gobolka Banaadir oo xakun ay ka naxaan Wariyayaasha ku riday Wariye C/casiis Koronto.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

11492 (1)

Wararka naga soo gaaraya Gudaha Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa sheegaya inay xakun dhawaan ku riday wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin iyo gabadha sheegtay in la kufsaday

Maxkamadda oo in mudda ah dib u dhigeysay Kiiska Wariye C/casiis iyo Haweeneydii sheegtay in la kufsaday ayaa waxaa maanta Dood dheer kadib waxa ay xakun Min Halsano ah ku riday wariye C/casiis iyo gabadha sheegtay in la kufsaday

Si doo kale Garsooraha maxkamada Gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in wariye C/casiis iyo gabadha sheegtay in la kufsaday lagu xukumay min hal sano oo xariga ah.

Si kastaba ha ahaatee Maxkamada oo Cadeymo badan u heshay kadib waxa ay riday Xakun mar qurah kawada nixiyay dadkii dacwada dhageesanaayay waxaana Wariye C/casiis lagu eedeeyay inuu sameeyay falal been abuur ah oo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu ka been abuuray

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed