2: 478 Jeer.
DEG DEG. Maleeshiyadda Axmed Madoobe oo isku faafiyay inta badan Magaallada Kismaayo iyo Ciiddamadda Iftin Bastona oo isugu tagay duleedka.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Ciidamada ka amar qaata Maamulka Jubaland ee uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa gacanta ku haya inta badan Magaalada Kismaayo halka Ciiddamo uu Hogaaminayo Iftin Bastona ay joogaan duleedka Magaallada Kismaayo.
Magaalada ayaa labadii Maalmood ee u danbeeyay aan laga maqal wax rasaas ah isla markaana waxa magaalada ku soo noqonayay ganacsigii iyo qaar ka mid ah dadkii isaga yaacay.
Kismaayo ayay marqura rasaastu isqabsatay ka dib kolkii ay isku dheceen ciidamo ka kala amar qaata Axmed Madoobe iyo Iftin Baasto oo labaduba sheegay in ay yihiin madaxda maamulka Jubaland.
Ciiddamadda Axmed Madoobe ayaa waxaa intooda badan la dhigay Wadooyinka ugu muhiimsan Kismaayo iyo Deegaano hor leh, iyadoona Ujeedkooda lagu sheegay inay ku jiraan dhul ballaarsi ka dhan ah Ciiddamadda Dowladda iyo kuwa Hoggaamiye Iftin Bastona.
Dawlada Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada is haya in ay colaada joojiyaan oo ay u midoobaan sidii Shabaabka loo cirib tiri lahaa.
Ugudambeyntii, Magaallada Kismaayo ayaa waxa ku sugan ciidamo ka socda AMISOM oo halkaa u jooga in ay gacan siiyaan dawlada Soomaaliya, Balse ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya ayaa taageera maamulka uu madaxa u yahay Axmed Madoobe ee Kismaayo dhawaanta looga dhawaaqay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨