2: 1,072 Jeer.
DEG DEG. Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Saraakiisha Brirain iyo Maraykan oo cawa kulan Xasaasi ah uga socdo Villa Somalia.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Warar gowr dhow soo gaaray Xafiiska Shabakadda Soomaalidamaanta ee Magaalladda Muqdisho, ayaa sheegaya in Xiligaani Xarunta Madaxtooyadda uu kulan Xasaasi ah uga socdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh iyo Sirdoonka Britain iyo Maraykanka.
Kulanka oo ah mid albaabada u xiran yahay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in looga Arrinsanaayo Xaaladda Xassan Dahir Aweys ee iminka u xiran Xukuumadda Somalia.
Kulanka oo ah mid Xasaasi ah ayaa waxa uu ka socdaa Villa Somalia, iyadoona looga hadlaayo sida ay Xukuumadda iyo Sirdoonka Britain iyo Maraykan ka yeeli lahaayen Codsiyada Beesha Xassan Dahir ay Xukuumadda u gudbiyeen.
Xukuumadda Somalia, ayaa waxa ay iyadu dhowr mar sheegtay in Xassan Dahir go’aan ka gaari doonto muddo gaaban gudaheeda, iyadoona kulankaasi Caawa uu kusoo beegmayo Xilli maalinta Axada nagu soo began Jawaab kama dambeys ah laga sugaayo Xukuumadda Somalia.
Ma cadda go’aanka Caawa kulankaasi kasoo bixi doonto, wallow Madaxweyne Xassan uu usoo dabcay Xassan Dahir Aweys balse Sirdoonka Britain iyo Maraykan laga sugaayo go’aanka Xassan Dahir.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨