1: Monday, June 9, 2014 - 07:31:24
2: 1,083 Jeer.

DEG DEG. Maamulka Marko oo laga saaray gabi ahaan Magaaladaasi iyo Dagaal xoogan oo iminka socdo.

Waxaa Qoray:

War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Marko ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Militeriga DFS ay Saaka Gabi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta Degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose.

Ciidamada la wareegay Gacan ku heynta ayaa la sheegayaa inay yihiin Guutooyinka Shanaad, lixaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoona iminka la maqlaayo Rasaas iyo Guurxanka Madaafiicda oo ay isu adeegsanayaan CXD iyo kuwa Marko.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay kasoo galeen Magaalada Marka dhanka xiga Buufoow, waxaana kahor inta aysan soo galin Magaalada ay madaafiic ku garaaceen gudaha Degmada Marka, taasi oo dhalisay in Maamulkii Magaalada Marka ay isaga baxaan gabi ahaan Magaalada.

Dadka Deegaanka ayaa Saaka aroortii bilaabay inay barakacaan, waxaana la soo sheegayaa in iminka uu socdo Dagaal fool-ka-fool ah kaasi oo la sheegay inuu Khasaaro geysanaayo.

Dhanka kale, waxan la Ogeyn maamulka Magaalada Marka iyo ciidamadii uu watay halka ay aadeen, laakiin waxaa la xaqiijiyay in saaka aroortii ay isaga baxeen Magaalada gudaheeda, Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Guutooyinka Shanaad iyo lixaad ee gudaha ugalay Magaalada Marka ay tageen xarumaha ciidanka oo ay fariisimo ka sameysteen, inkastoo xaalada Magaalada marka aysan sal fadhiyo laheyn oo ay suuragal tahay inuu dagaal ka dhaco.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨