1: Monday, July 1, 2013 - 17:15:25
2: 810 Jeer.

DEG DEG. Gaadiid galbinaaya Xassan Daahir oo galay Madaxtooyadda Somalia iyo kulan Xasaasi ah oo halkaasi ka socda.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

ss

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa sheegaya in gowr dhow Gaadiid galbinaaya Baxsad Xassan Dahir ay galeen Villa Somalia.

Wararka halkaasi aan ka heleyno, ayaa sheegaya in Villa Somalia ay sidoo kale ku sugan yihiin Saraakiil Cadaan iyo kuwa Somalia ah, waxaana lagu soo waramayaa in Ujeedka Villa Somalia loo geeyay Xassan Dahir uu yahay in Mar kale ay Madaxda Dalka ka dhaadhacsiiyaan inuu ka tanaazulo Fakirka qaldan ee Alshabaab.

Villa Somalia ayaa waxaa duhuradii maanta ku sugnaa Saraakiil iyo Nabadoono ka tirsan Beesha Xassan Dahir uu kasoo jeedo, waxa ayna halkaasi u aadeen sidii Xassan Dahir looga saari lahaa Fakirka.

Xassan Dahir, ayaa waxa uu weli ka dhaga adeegayaa inuu ka tanaazulo Fakirka Alshabaab waxa ayna Xukuumadda Somalia siisay muddo Asbuuc ah in Xassan Dahir looga dhaadhacsiiyo qaadashadda Nabadda, wixii Asbuucaasi ka dambeeyana ay Xukuumadda ku talaabsan doonto go’aankeeda.

Waxa xiligaani Villa Somalia ka socda Kulan u dhexeeya Madaxda Dowladda, Xassan Dahir, Saraakiil Cadaan iyo kuwa Somali iyo Odayaal, iyadoona aan la saadalin Karin halka ay isla gaari doonaan maanta.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed