2: 1,477 Jeer.
DEG DEG. Dowladda oo ka hadashay Mowqifkeeda ku aadan Xariga Xassan Daahir. (Akhriso Mowqifka)
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Xukuumadda Somalia ayaa waxa ay gowr dhow ka hadashay mowqifkeeda ku aadan Baxsadke weyn Xassan Dahir Aweys.
Afhayeenka Madaxtooyadda Eng. C/raxmaan Omar Yariisow, oo gowr dhow la hadlay Idaacadda laanta Afka Soomaalida ee VOA-da ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia ay mar waliba tiigsaneyso Sharciga.
Eng. Yariisow, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia ay fursado badan siineyso Xassan Dahir, isagoona sheegay in Xassan Dahir waxa ay Xukuumadda ka sameyneyso ay ku xiran tahay wixii kasoo baxa Afkiisa.
Mar wax laga weydiiyay Eng.Yariisow in Xassan Dahir ay sii deynayaan haddii uu qaato amarka Xukuumadda,ayaa waxa uu ku jawaabay Haddii uu Xassan Dahir go’aan ka qaato inuu ka baxayo Kooxda Alshabaab isla markaana shaaciyo inuu ka tanaasulaayo Fakirka qaldan ee Argagixisada laga saari doono Liiska Argagixisa iyo kan QM isla markaana ay Xukuumaddu siin doonto Magan-galyo.
Sidoo kale mar wax laga weydiiyay Afhayeenka Su’aal ah haddii uu diido Xassan Dahir inuu ka tanaasulo Fakirta Alshabaab, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Somalia ay ka gaari doonto go’aan adag isla markaana ay la tiigsaneyso Sharciga Dowladda.
Eng. Yariisow, waxa uu sheegay in iminka ay socdaan wada hadalo lagula jiro Xassan Dahir, waxa uuna sheegay wixii kasoo baxo wada hadalkaasi ay Xukuumaddu ku dhaqmi doonto iyada oo aan cid gaar ah kala tashan.
Afhayeenka oo ka caga jiidaayay inuu Faahfaahin dheeri ah bixiyo, ayaa waxa uu Sheegay in Dowladda ay ka dhowr sugeyso Go’aanka uu gaari doono Xassan Dahir oo hadda Xukuumadda kula jiro Wadahadalo, hadii uu sheego inuu la shaqeynaayo Dowladda ay taasi Xukuumaddu soo dhaweyneyso, haddii uu ka biyo diido inuu la shaqeeyo Xukuumadda ay Dowladdu fulineyso Go’aankeeda.
Ugu dambeyntii, Afhayeenka Madaxtooyadda ahna la taliyaha Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay ficilka ay sameyn doonto Dowladda inuu ku xiran yahay go’aanka ha in Xassan Dahir uu ka baxo Fakirka Alshabaab uu Dowladda la shaqeeyo ama uu ka biyo diido inuu ka baxo Alshabaab taasina ay Dowladda diyaar u tahay inay fuliso go’aankeedda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨