1: Monday, July 1, 2013 - 18:09:33
2: 454 Jeer.

DEG DEG. Diyaarado dagaal oo ka soo kacay Wajeer oo mar kale duqeymo ku wada duleedka Kismaayo.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jhjhj

Wararka aan ka heleyno Magaalladda Kismaayo, ayaa sheegaya in Xiligaani Deegano ku yaalla Duleedka Kismaayo ay ku socdaan Duqeymo Culus.

Duqeynta ku socta duleedka Kismaayo, ayaa waxaa geysanaayo diyaarado ay leeyihiin Ciiddamadda Kenya, iyada oo ay wararku sheegayaan in goobaha la duqeynaayo ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Maleeshiyaad taabacsan Col. Barre Hiiraale oo laga bursaday Magaalladda.

Duqeyntaan ayaa ah mid aan laheyn kala joogsi, iyadoona dhawaqa Madaafiicda laga maqlaayo inta badan Magaalladda.

Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeymaha geystay ay kasoo gaceen degmada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Si dhab ah looma xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi wallow ay wararku sheegayaan in duqeynta ay ku egyihiin Xarumaha Ciiddamadda Dowladda iyo kuwa Barre Hiiraale ee ku yaalla duleedka Kismaayo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed