2: 981 Jeer.
DEG DEG. Diyaarad siday Hub farabadan oo Xiligaani ku dhex gubaneyso gudaha Garoonka Aadan Cadde iyo Rasaas laga maqlaayo gudaha Garoonka. (Warbixin).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka laga helaayo gudaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalladda Muqdisho, ayaa sheegaya in gudaha Garoonka uu gowr dhow dab xoogan ka kacay.
Warar horu dhac oo halkaasi laga helaayo, ayaa sheegaya in gudaha Garoonka ay xiligaani ku gubaneyso, diyaarad waxaana lagu soo waramaaya in Diyaaradda laga lahaa dalka Ethiopia, waxaana jira khasaare nafeed oo lagu sheegay afar dhimasho iyo laba dhaawac.
Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay wadday hub ay lee yihiin ciidamada Amisom, ayna kusoo dhacday garoonka, markii ay soo caga dhiganeysay. Sidoo kale, wararka kale ee isla halkaasi laga helaayo ayaa sheegaya in diyaaraddu ahayd mid shacab oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.
Warar kala duwan oo is Khilaafaya ayaa halkaasi ka soo baxaaya, waxaana loo badinaaya in Diyaaradaasi ay saarnaayeen Hub loo waday Ciiddamadda AMISOM, waxaana gudaha garoonka laga maqlaaya Rasaas kala duwan oo la sheegayo inay ka dhacaayan Diyaarada gubatay.
La soco wixii war ee kusoo kordhow wararkeena dambe.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨