Waxaa la aqristay: 72 Jeer.
DEG DEG. Ciidamadda DFS iyo AMISOM wata gaadiid dagaal oo u ruqaansaday Deegaano ay Alshabaab kaga sugan tahay duleedka Degmada Baladweyne
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ay aroornimadii saaka u ruqaansadeen Deegaano ku yaalla duleedka Degmada Baladweyne oo ay ku sugan yihiin Saraakiil iyo Ciidamo taabacsan Alshabaab.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidanka ay u jaheysteen Bariga Baladweyen halkaasi oo lagu sheegay in ay ku sugan yihiin Dagaal Yahano ka tirsan Al Shabaab oo maalmihii Dambe ka soo qaadayay weeraro qasaaro geystay,
Sidoo kale, C/fitaax Xasan Afrax Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in u jeedka Socdaalkooda dagaal uu yahay sidii ay al Shabaab kaga Saari Lahayeen Gobolka Hiiraan inta ay kaga Sugan yihiin Waa sida uu hadalka u dhigay,
Dhanka kale, Ciidamada ayaa sameeyay holgalo ay kusoo qab qabteen Dhalin yaro al Shabaab ay ku sheegeen oo ku sugnaa Duleedka Degmada Buula-Barde ee Gobolkaasi.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨