1: Tuesday, June 18, 2013 - 11:12:56
2: 1,041 Jeer.

David Gill oo la siiyay awood uu ku ganaxo kooxaha la xafiiltama Man United sida Man City iyo Chelsea

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

gill ok
Madixii hore ee fulinta ee kooxda Manchester United David Gill ayaa loo gacan galiyay awood uu ku ganaxo kooxaha la xafiiltama kooxdiisa sida Manchester City iyo Chelsea hadii ay ku dhacaan sharciga dhaqaalo wanaaga ee kooxaha qaarada yurub.

David Gill ayaa dhowaan soo xiray shaqadii uu ka hayay Old Trafford kadib markii ay UEFA ka dalbatay in uu ka mid noqdo gudiga fulinta ee xiriirka qaarada yurub.

Daily Mail ayaa sheegtay in UEFA ay ku war galisay David Gill in uu la socdo dhaq dhaqaaqa lacageed ee kooxaha Premier League waxaana la siiyay awood uu ku ganaxo kooxdii gabisa sharciga dhaqaalo wanaaga.

Arintan ayaa cabsi ku ah kooxaha la xafiiltama Man United.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed