2: 687 Jeer.
Darsin Ciiddan ka goostay Axmed Madoobe oo dagaal kala dul dhacay Ciiddamadda Kenya.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka laga helaayo Magaalladda Kismaayo, ayaa sheegaya in Cutub ka tirsan Ciiddamadda Maleeshiyadda Raaskambooni ee daacada u ah Axmed Madoobe goosteen.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciiddamadda goostay ay gaarsiisanaayen ku dhawaad 85-Askar oo watay ilaa iyo 5-gaari oo isugu jiray kuwa Dagaalka iyo kuwa Raaxadda, waxa ayna wararku Tibaaxayaan in Ciiddamadaasi ay dagaal saf ah horay ula sii galeen Ciiddamadda Kenya, kadib markii ay isku dayeen inay hor joogsadaan.
C/naasir Cabdi oo kamid ah Askartii goostay oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay u adkeysan waayeen Tacadiyada Ciiddanka Kenya iyo Jabhada Raas-kanbooni ay ku hayaan Shacabka deegaanka kadibna ay go’aan ku gaareen in ay isaga tagaan oo ay iyaga cadaw ku noqdaan si dalka looga saaro iyada oo wixii xilligaa ka danbeeyay uu bilaawday dagaal Keenyaatiga iyo iyaga dhex maray halkaasna iyaga laba askari looga dilay.
Wuxuu sheegay inay Dagaal ku dhawaad qaatay Saacad ay la galeen Ciiddamadda Kenya oo uu ku sheegay inay ahaayen kuwo doonaayay inay ku celiyaan halkii ay kasoo baxeen oo aheyd Saldhiga Labaad ee Raaskambooni.
C/naasir Cabdi, waxa uu dhanka kale, sheegay in si dirqi ah ay uga soo baxsadeen Ciiddamadda Kenya ay la qaateen dagaalka, Hase yeeshee ugu danbeyn ay dagaalamayaasha u suugra gashay in ay magaalada ka baxanaan marka laga reebo labada askari ee dagaalka looga khaarijiyay.
Si kastaba ha ahaatee, Ciiddamadda goosta ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay kasoo jeysanayaan dhanka Ciiddamadda Barre Hiiraale iyo dhanka Dowladda si ay ula dagaalamaan Ciiddamadda Raaskambooni iyo kuwa Kenya.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨