1: Tuesday, June 18, 2013 - 13:44:19
2: 171 Jeer.

Daraaso lagu Ogaaday in Dumarka u dhexeeya Da’da 15 ilaa 20-Sanno ay Cunus badan yihiin.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jjjjj

Khubaro u dhalatay Dalka Maraykanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Dumarka u dhexeeya Da’da 15 ilaa 20-Sanno ay yihiin kuwa cunis badan dhanka Raashiinka Marka la eego.

Khabiir Stilwell oo u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa waxa uu sheegay in Daraaso la sameeyen ay ku Ogaaden in Dumarka xilliyadda ay ku jiraan Sanadka 15-20-Sanno ay yihiin kuwa aan la noolankarin reerkooda isagoona sheegay inay qaadanayaan Raashiin badan iyaga oo siyaabo kala duwan u cunaayo.

Wuxuu Mr. Stilwell sheegay in Dumarka xiligaasi ku jira ay maalintii 7-mar cunaan raashiinka iyagoona isla markaa u cunaayo qaabo kala duwan oo aysan dadku isha la raaci Karin.

Stilwell waxa uu yiri ‘’Daraasadu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in 15 ilaa 20-Sanno dumarka ay yihiin kuwa qaata Cunis badan, balse iyaga ma garan karaan sida ay u cunayaan maalintiina ugu yaraan ay qaadan karaan 7-mar oo cunitaan ah’’ Sidaa waxaa yiri Khabiir Stilwell oo qoraal ku sheegay Arrintaasi.

Dhanka kale, Tom Joho oo ah Khabiir u dhashay Dalka Maraykanka ayaa waxa uu isaguna sheegay in Dumarka marka si loo eego ay ka cunis badan yihiin Ragga, waxa uuna Tilmaamay in Dumarku xilliga ay qaangaarka galayaan ay u baahan yihiin koriin fiican.

Mr.Tom Joho, waxa uu sidoo kale sheegay in Dumarku ay si u cunaan Raashiinka balse aysan haddana dareemeynin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, Khubaradda ayaa waxa ay daraasadooda ku sheegen in Dumarka ay u baahan yihiin Daryeel gaar ah isla markaana aan koontorool lagu sameyn qaabka ay Raashiinka u cunaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed