2: 2,114 Jeer.
Dammul Jadiid oo afka ciida loo dari doono iyo Siyaasado qaraaran oo Somalia kusoo wajahan.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Siyaasadda Soomaaliya oo in mudo ahba ahayd mid NGO iyo daneysi ah islamarkaana jaho wareer ku jirta ayaa u muuqta mid geleysa wejiyo cusub kadib Riwaayado mudo bilo ah socday kuwaasi oo la doonayay in markii horeba shacabka Dhibanaha ah lagu Jahwareeriyo.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ee maganta u ah Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa la daalaa dhacaysa xilligan Siyaasad Liidata, Ciidan la`aan iyo Sawiro muujinaayo Fashil dhanka Straatiijiyadda ah oo kusoo food leh Somalia, waxaana sidaas ay ku mutueysatay inay dhashaan Kooxo Mucaarad ah iyo garabyo kale oo Siyaasadeed kadib markii xukuumaddu ay ku soo bandhigtay Sawiro muujinaayo in Ciiddamadu ay ku Fashilmayaan inay tamkiiniso ugu yaraan heykalka Dowladnimo nuuc walba oo uu yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo garabkiisa Muqdisho ayaa ku tala xumaystay inay tageero kal iyo laab ah siiyaan Ciidamada AMISOM iyagoo meel dhigay Dhibaatada soo wajahda dadka iyo dalkeenna ku hayaan waxaana ciidanka AMISOM oo dowladdii C/llaahi Yuusuf ay heshiis kula gashay inaan loo qabsan karin wax walba oo ay sameeyaan ay xukuumadda Xasan Sheekh qalin cas kula sii nuurisay mar labaad heshiiskaasi kadib markii afka ay ka daboolatay dhibaatadda.
Hadaba waxaa dhawaan Magaalada Nairobi kulan ku yeeshay siyaasiyiin kala duwan oo u muuqda laftooda inaanay isku hadaf ahayn balse mid walba midka kale uu jaran jaro ka dhiganayo, laakiin ilaa hadda waxa laga fahmayo isbahaysigooda ayaa waxaa ka mid ah inay doonayaan inay afka ciida u daraan kooxda Xasan Sheikh ee Muqdisho, iyagoo doonaya inay siyaasad qudlaamin iyo lugooyo ah ku wajahaan.
Siyaasiyiintan ayaa waxaa kamid ah Cali Khaliif Galeyr, Yuusuf Garaad, C/weli Gaas oo mar dhow ciyaarta dhexda kaga soo booday iyo Cumar C/rashiid, waxaa kooxdan oo rag kale ay wehliyaan ku lamaansan team-ka Axmed Madoobe ee Kismaayo fadhiya kuwaasi oo garab ka heysta Kenya.
Siyaasiyiintan ayaa la sheegay inay heystaan isku haleyn baaxad leh oo ka imaaneysa gacmo shisheeye waxaana ilo lagu kalsoonyahay ay sheegeen inay soo mareen ilaa Kampala oo ay kulamo kula soo qaateen Diblumaasiyiin shisheeye kuwaasi oo u balan qaaday inay difaacayaan.
Isbahaysigooda oo uun baradheereysiinaya dhibaatada iyo Siyaasadda murugsan ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii loo ridi lahaa Xasan Sheekh islamarkaana Ciidanka Kenya loogu xalaaleyn lahaa Kismaayo iyo gobolada Jubbooyinka ee ay duulaanka ku soo qaadeeen.
Waxaa raggan ku jira dembiilayaal waaweyn oo horay wadanka u iibsaday kuwaasi oo uu kamid yahay Ina sharmaarke, waxaana dadka wax falanqeeya ay aaminsanyihiin in Ina Sharmaarke oo ah nin reer gaaleed ah aanuu biyo u kabaneyn wax walba oo la soo hordhigo hadiiba la siinayo qandaraas dhaxalgal ah.
Ragga kale ee ku dabafeylsan ayaa heysta tababar ku filan oo dhanka Siyaasadda ah waxaana ugu horeeya Yuusuf Garaad oo xoogaa cilmi dhegood ah ka heysta Siyaasadda wareersan ee Soomaaliya waxaana hadda xaalku u muuqdaa in hal god la iskula hoobanayo iyadoo dalka loo xalaaleynayo shisheeye.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨