Waxaa dib uqarxay dagaalo beelo dega magaalada Jowhar kaasoo ay ku dhinteen dad aan tiradooda wali nasoo gaarin inkastoo saaka aroornimadii dagaalka uu ka qarxay tuulada Shamiinto iyo Baloog oo lasoo weeraray laguna dilay nin caan ah oo si fiican looga yaqaano magaalada Jowhar oo la yiraahdo Cabdulahi Cabdi “Taraawiil”.
Wararkan oo aan ka xaqiijinay dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in dagaalka uu markii danbe isu rogay mid aad u weyn oo gurmad xoog badan uu kusoo biiray oo ka yimi dhanka barri ee halka dagaalku ka dhacay.
Dagaalka ayaa haatan wuxuu u siqay dhanka tuulada Geedo Barkaan oo 7KM dhanka Waqooji Bari kaga beegan magaalada Jowhar waxaana magaalada laga maqlayaa hugan iyo dananka rasaasta.
Warar aan la xaqiijina waxay sheegayaan in tuulada Geedo Barkaan ay gacanta ku dhigeen beeshii kale ee dagaalka ku jirtay.