2: 1,373 Jeer.
Dagaal ooge Axmed Cabdi Godane oo gacanta ku soo dhigay horjoogayaal kale. (Warbixin).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Waxaa sii kordhaya weerarka uu Horjooge Axmed Godane ku hayo horjoogayaasha kale ee ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka hor yimid fikirkiisa, isagoo gacanta ku soo dhigay horjogayaal Cusub xabsigana dhigay.
Wararka aynu ka heleyno dhinaca Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegaya in horjooge Godane uu gacanta ku dhigay isla markaana uu Xabsiga dhigay horjoogayaal ka soo horjeeday fikirkiisa kuwaas oo uu ka mid yahay horjooge lagu Magacaabo Xasan Afrax.
Lama sii saadalin karo sida ay noqon karto xaalada Horjoogayaashan iyadoo la wada Ogyahay in horjooge Axmed Godane uu hore u dilay Horjoogayaal uu ka mid yahay ku xigeenkiisii oo loo yaqaanay Ibraahin Afqaan iyo horjooge Macalin Burhaan.
Hadana waxaa sidaasi si la mid ah gacanta u galay horjooge Xasan Afrax iyadoo warar kale ay sheegayaan in horjooge Fu’aad Shongole uu ka mid yahay horjoogayaasha u gacan galay Maleeshiyaad taabacsan Axmed Godane.
Axmed Godane ayaa looga bartay inuu dilo cid kasta oo ka hor timaada afkaartiisa sida uu u dilay gacan yarihiisii Ibraahin Afqaan.
Xigasho: Radio Muqdisho
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨